Madaxwaynaha Djabouti Iyo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Ka Hadlay Wadahadalka Somaliland Iyo Soomaliya

0
Saturday March 14, 2015 - 22:36:17 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Djabouti Iyo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Ka Hadlay Wadahadalka Somaliland Iyo Soomaliya

    Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Djibouti oo yeeshay kulan dheer oo qaatay wakhti ayaa Ra'isul Wasaaruhu waxaa uu warbixin guud ka siiyay Madaxweynaha Djibouti xaaladda guud ee Soomaaliya iyo qorshaha dawladda ee hiigsiga 201

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Djibouti oo yeeshay kulan dheer oo qaatay wakhti ayaa Ra'isul Wasaaruhu waxaa uu warbixin guud ka siiyay Madaxweynaha Djibouti xaaladda guud ee Soomaaliya iyo qorshaha dawladda ee hiigsiga 2016-ka,

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxa uu markii labaad kala hadlay madaxwaynaha Djibouti wadahadaladii u dhaxeeyay Somaliland iyo somaliya


 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in Ra’iisul Wasaaraha dalka itobia uu ku amaray in dawlada Somalia aya si dhakhsaa u soo celiso wadahadaladii dhawaan burburay

Ra’iisul Wasaaraha dalka ibtobiya isaga oo ka duulay heshiiskii ugu danbeeyay ee labada dhinac ku kala saxeexdeen dalka jabuti oo aanay waxba ka fulin dawlada somaliya

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa safarkiisu uu daaranyahay wadahadalad burburay ee ay xukumada Somalia burburisay balse ilaa imika Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya umuu soo bandhigin saxafada waxa uu kala kulmay kulanada uu la qaatay madaxda Djibouti iyo ethopia


Madaxweynaha Djibouti ayaa waxaa ka muuqata in uu ka xunyahay in uu burburo wadahadaladii ugu danbeeyay taas oo ku dareensinaysa in ay shirqool u maleegayeen Somaliland balse xukumada somaliand ayaa gaashaanka u daruurtay kulankaa

Madaxweynaha Djibouti ismaaciil cumar geele waxa uu isu dhaafiyay wadahadalada Somaliland iyo Somalia dhanka urur goboleedka IGAD

Madaxweynaha Djibouti ayaa Ra’iisul Wasaaraha Somalia warqad qoraal ah ugu dhiibay madaxwaynaha Somalia sidii wadahadalada dib loogu dhigilahaa labada doorasho ee Somaliland Iyo Somalia ka qabsoomi doona 2016 inta ka horaysana aan wax kulan ah la yeelan

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waji gabax kala kulmay safarkaa dheer ee uu ku donayay in Somaliland lagu khasbo in ay bilaa shuruud kula midawdo koonfurta Somalia




 Contact@afkashacabka.com