Madaxweynaha Somaliland oo markale Xukuumadiisa isku shaandhayn ku sameeyay iyo Masuliyiinta ay Seeftu Qaadatay saaka iyo weliba kuwo kale oo Xilal cusub loo magaacabay

0
Sunday March 15, 2015 - 08:34:09 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland oo markale Xukuumadiisa isku shaandhayn ku sameeyay iyo Masuliyiinta ay Seeftu Qaadatay saaka iyo weliba kuwo kale oo Xilal cusub loo magaacabay

    Madaxweynaha Somaliland Mud Axmed Maxamed Silaanyo ayaa markale Xukuumadiisa isku shaandhayn ku sameeyay sida lagu sheegay war saxafadeed ka soo baxay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Mud Axmed Maxamed Silaanyo ayaa markale Xukuumadiisa isku shaandhayn ku sameeyay sida lagu sheegay war saxafadeed ka soo baxay

Aqalka Madaxtooyada Somaliland oo nuqul kamid ahi soo gaadhay shabakadda Somalilandtoday. Wuxuuna u dhignaa sidan .


Date: – 14/03/2015

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3082/032015, uu ku magacaabay saddex wasiir, laba wasiiru-dawle, agaasime guud, Gudoomiyaha banka dhexe, Gudoomiye ku xigeenka Gobolka hawd iyo Maareeye ku xigeenka Wakaalada Biyaha, isla markaasina xilalkii ay qaranka u hayeen kaga qaaday saddex masuul oo kale.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirada Wasaaraddaha Warshadaha, Waxbarashada, Beeraha, iyo Wasiiru-dawlayaasha Wasaaraddaha Macdanta iyo Tamarta, iyo Biyahaee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

1 .In Prof. Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, (Bedel) hore wasiirkii Wasaaradda beeraha

2 .In Mudane, Shucayb Maxamed Muuse, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Warshadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland

3. In Mudane, Maxamed Aw Daahir Ibraahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Beeraha ee Jamhuuriyadda Somaliland

4. In Mudane, Maxamed Faarax Ducaale, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee Jamhuuriyadda Somaliland

5.In Mudane, Cabdisalaan Maxamed Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland

6.In Mudane, Yuusuf Axmed Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland

7.In Mudane, Cabdilaahi X. Jaamac Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland

8.In Mudane, Cismaan Cabdilaahi Hirad, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku-xigeenka Wakaaladda Biyaha Hargeysa

9.In Mudane, Warsame Faarax Ibraahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Hawd ee Jamhuuriyadda Somaliland


Ujeedo: Xil ka-qaadis

Ku: Mudane, Cabdi Dirir Cabdi, Guddoomiyihii Hore ee Baanka Dhexe ee JSL

Ku: Mudane, Khadar Xasan Xirsi, Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Hawd ee JSL

Ku: Dr. Cismaan Xuseen Warsame, Agaasimihii Hore ee Wasaaradda Caafimaadka .

Mudaneyaal,

Waxaan aad idinku mahadinayaa muddadii aynu soo wada shaqaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilalkaGuddoomiyaha Baanka Dhexe, Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Hawd iyo Agaasimihii Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejisaan xilalkaasi aad hayseen Masuuliyiinta kor ku xusan ee aan xilalkaa iyaga ah u magacaabay.



ALLAA MAHAD LEH



Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.