Cali Guray Oo weerar toos ah oo afka kuq aaday Wasiir Warancade isla Xalayna Xaal Ka Bixiyay Aflagaadadaas Lafjabka Ah ee Uu Ku Weeraray Wasiir Cali Warancadde

0
Sunday March 15, 2015 - 15:38:16 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Guray Oo weerar toos ah oo afka kuq aaday Wasiir Warancade isla Xalayna Xaal Ka Bixiyay Aflagaadadaas Lafjabka Ah ee Uu Ku Weeraray Wasiir Cali Warancadde

    Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID, Muj: Cali Yuusuf (Cali Guray) ayaa xaal iyo raali galin ka bixiyay markii ugu horeysay weedho kakan oo ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID, Muj: Cali Yuusuf (Cali Guray) ayaa xaal iyo raali galin ka bixiyay markii ugu horeysay weedho kakan oo ...

aflaagaado laf jab ah, taas oo uu ku weeraray Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland, Mud. Cali Maxamed Warancadde. Aflagaadada Cali Guray ayaa ahayd sidan. "Asaasaqan Cali Warancadde, wuxuu isagu u haysta in isaga loo kordhinaayo, waa qof liita oo la isticmaalo marka hadalkiisu wax ka soo qaad maleh, waa ninkaas markuu xilka waayana odhanaaya qoryaha inoo soo gura, markuu hayana kordhinta doonaya waa shakhsi la isticmaalo”. Sidaa waxaa yidhi Cali Guray maruu Saxaafadda shalay u waramaayay.

Hasayeeshe markii hadalkaas cayda qaawan ahi Saxaafadda ku baxay, ayuu Mud. Cali Guray qoraal koobaan oo uu xaal iyo raali galin ka bixinaayo ku daabacay bartuu ku leeyahay Shabakadda bulshada ee Facebook’ga, halkaas oo uu aalaba wax ku qoro. Wuxuuna u dhignaa qoraalka raali galinta ah ee Cali Guray.

"Waraysi maanta aan bixiyay waxan raali gelin Ka siinayaa erey afku iga xaday deel qaaf na ku ah Wasiirka arrrimaha Gudaha, Cali Waran Cade oo shakhsi ahaan gef ah Cadho iyo shaydaan iga keenay laakiin aanan u kasin. Waan ka xumahay”. Sidaa ayuu ku yidhi xaal bixintiisa. Siyaasadda Somaliland ayaa hadda maraysa meel aad u fool xun oo ka hoseysay suun xidhashada waxaana laysku caaya mararka qaar sidan oo kale, iyadoo dadka xishoonaya is weydiin karaan inay siyaasaddii waalatay iyo inay dadkii ku jiray waasheen.