Ciidamada Badda Ee Turkiga Oo Rasaas Ku Furay Markab Siday qaxoonti Reer Suuriya Ah.

0
Sunday March 15, 2015 - 16:24:00 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Badda Ee Turkiga Oo Rasaas Ku Furay Markab Siday qaxoonti Reer Suuriya Ah.

    Ciidamada Bada ee Wadanka Turkiga ayaa rasaas ku furay Markab siday dad u tahriibayey Yurub oo ka yimid Siiriya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Bada ee Wadanka Turkiga ayaa rasaas ku furay Markab siday dad u tahriibayey Yurub oo ka yimid Siiriya.


Markabkan ayaa siday 337 tahriibayaal u dhashay dalka Siiriya, kuwaasi oo doonayey inay galaan Midowga Yurub.


Ciidamada Bada ayaa markabkan helay xili uu marayey meel u dhow xeebta Dardanellen, ee galbeed dalka Turkiga, kooxdii Markabka waday ayaa diiday inay dhageystaan amarkii ahaa inay markabka joojiyaan, iskuna dayey inay baxsadaan, ciidamada ayaa kadib rasaas u furay.

ciidamada-bada-turiga2015-740x462

Markabka tahriibta siday ayaa joogsaday kadib markii rasaasta ay ku dhacday qolka mashiinka markabka laga wado.
Dadka markabka saarnaa waxaa ku jiray 85 caruur ah iyo 68 haween ah. Lama oga dalka Midowga Yurub ee uu kusii jeeday Markabkan.
Inta badan Tahriibta kasoo baxay Turkiga ayaa isku daya inay galaan Giriiga ama Talyaaniga.


Wadanka Turkiga ayey hada ku sugan yihiin qaxooti gaaraya 1.7 milyan kuwaasi oo rajo ka qaba inay nolol cusub ka raadsadaan dalalka Yurub.