Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Ismaaciil Mirre ayaa kulan wacyigelina Jaamacadda Laascaanood ku qabtay+Sawiro

0
Sunday March 15, 2015 - 16:54:46 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Ismaaciil Mirre ayaa kulan wacyigelina Jaamacadda Laascaanood ku qabtay+Sawiro

    Laascaanood Nadiga Aqriska Qoraalka Ismaaciil Mirre oo loo soo gaabiyo NAQIM ayaa kulan ay ku qabteen Jaamacadda Nugaal xarunteeda magaaladda Laascaanood waxay ku soo bandhigeen bugaag iyo suugaan dulucdoodu tahay iimaanso afkaaga iyo dhulkaaga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laascaanood Nadiga Aqriska Qoraalka Ismaaciil Mirre oo loo soo gaabiyo NAQIM ayaa kulan ay ku qabteen Jaamacadda Nugaal xarunteeda magaaladda Laascaanood waxay ku soo bandhigeen bugaag iyo suugaan dulucdoodu tahay iimaanso afkaaga iyo dhulkaaga.
Munaasibadan ayaa waxa ugu horayn ka hadlay Axmed Carab C/laahi Jaamac gudoomiyaha madasha NAQIM oo sheegay sababaha ururkan loo aasaasay iyo faa'iidada ay bulshada u leedahay.
Abwaan Carad waxa uu sheegay in ururkan la aasaasay bishii July, waxaanu sheegay in ay mudo dheer qabanayeen barnaamijyo wacyigelin ah oo la xidhiidha horumarinta bulshada iyo sidii looga hortegi lahaa
tahriibta.

"Laba buug ayaan maanta soo bandhinay oo kala ah Cadli doonaha daal Allaa Baray oo uu qoray Axmed Sheekh Jaamac Alle haw naxariistee iyo Somali been ma maahmaado oo uu qoray qoraa wadanka Ruushka u dhashay oo lagu magcaabo charge capture" ayuu yidhi Carab waxaana uga jeednaa buu yidhi in dhalintu ay ikhtiraac sameeyaan oo akhriyaan.

Qaar ka mid ah bahda qoraalka iyo aqrisaka ayaa halkaasi ku soo bandhigay laba buug oo dhaqanka ka hadlaya iyo suugaan ka hadlaysa tahriibta iyo anaaficga wadka hooyo. Maaha markii u horeysey ee bahda NAQIM ay talaabooyin dhiirigelin ah soo bandhigaan waxase muuqata in dhalin badani ay u sabciyaan lana
qiiroodaan balse mudo ka dib la waayo.

Contct@afkashaacbka.com