Agaasimihii Waaxda Farsamaada Ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland Oo Iscasilay

0
Sunday March 15, 2015 - 17:12:33 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimihii Waaxda Farsamaada Ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland Oo Iscasilay

    Hargeysa(BTN)-Agaasimihii Waaxda Farsamadda ee Wasaaradda Warfaafinta Eng Axmed Saleban Weyne oo Ka mid ahaa Tiirarka ugu Muhiimsan ee ay ku duusho Wasaaradda Warfaafintu ayaa iscasilay Kadib markii sidda uu sheegay Wasiirka Warfaafintu mudane Cukus

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(BTN)-Agaasimihii Waaxda Farsamadda ee Wasaaradda Warfaafinta Eng Axmed Saleban Weyne oo Ka mid ahaa Tiirarka ugu Muhiimsan ee ay ku duusho Wasaaradda Warfaafintu ayaa iscasilay Kadib markii sidda uu sheegay Wasiirka Warfaafintu mudane Cukuse tacadiyo kula Kacay Shaqaale Hoosaad Wasaaradda Warfaafinta gaar ahaan waaxdaasi.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigalinta Somaliland Mudane Cabdilaahi Daahir Cukuse ayaa la sheegay inuu si ka baxsan ansharaxa iyo milgaha binu aadantimo uga dhaqmay qaarka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta oo ay ku jiraan Hablo xanuunsanayay oo cusbitaal ku jiray oo uu wasiirku Amray in la xabsiga loo taxaabo sababo aan la garanayn dartood laga eryo wasaaradda guud ahaanba .


Agaasimaha Waaxda Farsamadda ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane Axmed Saleban Weyne ayaa Warqadiisa Iscasilaadda ku sheegay inuu u dulqaadin kari wayay Shaqaale Ka tirsan Waaxdiisa oo Wasiirku Tacadiyo iyo Hanjabaado joogto ah kula kacay iyo Qaarka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda oo sababo aan la Garanaynin loo Eryay.

Warqadda uu istiqaaladda Ku dhiibay Eng Axmed Saleban Weyne ayaa Waxaa si aad ah usoo dhaweeyay Shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta oo arrintani indhaha Ku Hayay Balse Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ayaa la sheegay inuu muddooyinkii u dambeeyay Shaqaalaha wasaaradda u kala Qaybinayay Reer reer si ay shaqaalaha Wasaaradda oo midaysani aanay uga hor iman.

Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay Lagu laga dareemayay soo noqoshadda Khilaafkii hore u galaaftay Wasiiro badan oo Wasaaradda soo maray , Wasiir Cukuse ayaa u muuqda mid dhex fadhiistay Fadeexaddo Siyaasadeed oo hore leh.





contact@afkashacabka.com