Wasiir Warancade oo Xadhiga ka jaray Guryo Cusub oo ay Shirkadda Dahabshiil u Dhistay Qoysas Danyar ah

0
Monday March 16, 2015 - 07:40:28 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Warancade oo Xadhiga ka jaray Guryo Cusub oo ay Shirkadda Dahabshiil u Dhistay Qoysas Danyar ah

    Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancadde, ayaa xadhigga ka jaray 42 guri oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancadde, ayaa xadhigga ka jaray 42 guri oo

cusub oo shirkadda Dahabshiil u dhistay qoysas deganaa guryo yar-yar oo ku yaalay wajahadda Waqooyi ee dhismaha xarunta Bangiga Dahabshiil ee xaafadda Laynka Booliska ee magaalada Hargeysa.

 

imageimage

Guryahan oo ah dhismayaal dhammaantood daaro ah oo si laga hirgeliyey dhul ballaadhan oo ka mid ah xaafadda Biibsiga ee caasimadda, isla markaana ay si rasmi ah ula wareegeen 42 qoys oo isugu jira qaar ciidammada kala duwan ah iyo kuwo shacab ah, waxa xaflad xadhigga lagaga jaray shalay ka qaybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Warancadde, Taliyaha guud ee Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Iimaan Fadal iyo masuuliyiin ka tirsan shirkadda Dahabashiil.

Maareeye-ku-xigeenka Shirkadda Dahabshiil Cabdi Faarax Axmed oo ugu horreyn ka hadlay xafladdaasi, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin shirkad ahaan in ay ku wareejiyaan guryahan cusub qoysaskii loogu talogalay, taas oo qayb ka ah in Dahabshiil Group dib ugu celiyo shacabkooda waxay ka hesho.

Mr. Cabdi Faarax waxa uu sharraxaad ka bixiyey guryahan iyo qaabka loo dhisay, waxaannu yidhi, "Guryahan waxaannu u dhisnay si lexejeclo leh, waxa la geliyey biyihii, laydhkii, albaabada dhammaantood waxaannu ka dhignay bir, waxaannu u samaynay bullaacado dhaadheer si aanay u buuxsamin iyo biyo-mareenno, waxa kaloo loo sameeyey maasij iyo dugsi ama malcaamad carruurtu wax ku barato oo labadu ku dhexyaal xayndaamka guryaha oo ah laba qaybood ama sakadood oo iska soo horjeeda iyo qayb saddexaad oo xagga dambe uga sii jeeda oo leh barxad wayn, waxaanay guryahani isugu jiraan qaar laba qol, madbakh iyo suuli ka kooban, qaar saddex qol ah iyo kuwo ka sii badanba, kuwaas oo qoys walba kii uu lahaa galay. Guryahan dadka ayaa iska leh ee dawladdu ma laha, horena waxay uga soo guureen guryo yaryar oo cidhiidhi ah oo dawladdu leedahay,” ayuu yidhi Cabdi Faarax.

 

 

Waxa kaloo uu uga mahadnaqay qoysaskan guryaha loo dhisay ixtiraamka ay muujiyeen iyo sida wanaagsan ee ay mar ugu wada guureen guryahooda cusub.

Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in 42 qoys ee shirkadda Dahabshiil guryaha u dhistay oo isugu jiray kuwo ciidan iyo shacaba ay ahaayeen dadkii deganaa wajahadda dhinaca Waqooyi ee dhismaha Xarunta Bangiga Dahabshiil ee xaafadda Laynka Booliska ee caasimadda.

"Guryahan oo dadku iyagu leeyihiin waxa loogu beddelay meel yar oo deganaayeen oo barxad baabuurta la dhigo looga dhigay xarunta Bangiga Dahabshiil, laakiin dhul laynka bilayska ah oo la iibiyey ma jiro oo hadhow war la dhigaa,” ayuu yidhi Taliye Fadal.

Ugu dambayntii Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Warancadde, ayaa soo dhaweeyey dhismaha guryahan iyo dadka lagu wareejiyey oo uu xusay inay ku jireen guryo yaryar oo cidhiidhi ku ahaa, isagoo uga mahadceliyey shirkadda Dahabshiil tallaabadan ay qaaday, waxaannu yidhi, "Waxaannu ku faraxsanahay in qoysaska halkan jooga oo markii hore ku jiray guryo yaryar oo cidhiidhi ah oo is-dulsaarnaa in maanta loo dhisay guryo ku filan oo ay iyagu iska leeyihiin runtii ah arrin qiimo wayn leh, waxaannan halkan uga mahadnaqayaa shirkadda Dahabshiil oo xilkasnimo wayn ka muujisay dadkii deganaa wajahadda dhismaha (xarunta Bangiga Dahabshiil) ee ah inta gaadiidka in la dhigto loogu talogalay in guryahan ay u dhisto oo aannu u aragno masuulyad wayn iyo dadaal ay sameeyeen.”

Wasiir Warancadde waxa uu caddeeyey in xaafadda laynka boolisku sideedii ahaan doonto, lana sii kordhin doono guryaha boolisku degan yahay, "Dadkani waxay isugu jiraan qoysas shacab ah, kuwo ciidammada millateriga, boolis iyo asluubta ka tirsan. Laynka booliskuna waa sidiisii oo waxa laga dhisi doonaa guryo kale oo badan oo booliska loo dhisi doono Isha Allaah,” ayuu yidhi Md. Cali Warancadde, waxaannu shirkadaha kale iyo ganacsatada waawayn ee dalka ugu baaqay inay hoos u eegaan dadkooda jilicsan, isla markaana ay maalgashi ku sameeyaan khayraadka dhulkooda si looga helo shaqo abuur dhallinyaradu ka faa’iidaysato.