Xildhiban Cabdirashiid Maxed Xaji Yusuf oo ka tirsan Golaha Deganka Berbera oo Maayarka Gabilay ku Bogadiyey Xilka Wasiirnimo ee lo magacaabay Fariina u Diray Golaha Deganka Gabilay

0
Monday March 16, 2015 - 09:22:20 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhiban Cabdirashiid Maxed Xaji Yusuf oo ka tirsan Golaha Deganka Berbera oo Maayarka Gabilay ku Bogadiyey Xilka Wasiirnimo ee lo magacaabay Fariina u Diray Golaha Deganka Gabilay

    Gudomiyaha guddida arimaha bulshadaGolaha Deeganka BerberaXildhiban Cabdirashid Maxamed Xaji Yusuf ayaa Wasiirka Cusub ee Warshadaha ee madaxweynaha somaliland Md Silaanyo u magacaabay shalay ku hambalyeey Xilka loo igmaday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudomiyaha guddida arimaha bulshadaGolaha Deeganka BerberaXildhiban Cabdirashid Maxamed Xaji Yusuf ayaa Wasiirka Cusub ee Warshadaha ee madaxweynaha somaliland Md Silaanyo u magacaabay shalay ku hambalyeey Xilka loo igmaday.


 
waxa kale oo uu talo u soo jeediyay Golaha Deegaanka Ee Magaaladda Gabiley, kuwaas oo uu u sheegay in ay iska dhex Doortaan Xildhibaan Amiin Cumar Cabdi oo uu arkayay in uu yahay ninka buuxin kara jagada uu baneeyay Duqii Hore.

qoraal kooban oo uu soo gaadhsiiyay shebekedda Afkashacabka.com ayaa waxa uu yidhi sidan:

"Waxaan halkan talo usoo jeedinayaa Golaha Deeganka Degmada Gabiley inay doortaan Xildhiban Amiin Cumar Cabdi oo ku Haboon inuu buuxiyo jagada Mayorka cusub ee 
Degmada Gabiley.

 
Xildhiban Amin Cumar Cabdi waa Xildhiban dhalinyaro ah oo firfircoon, aqoonyahan ah kuna suntan daacadnimo kana dhex muuqday Golaha uu ka tirsanyahay kuna haboon inuu buuxiyo jagada Gudomiyaha Golaha Deeganka Gabiley ee uu baneeyey Mayor kii hore ee Gabiley Shucayb Maxamed Muuse oo Madaxweynaha JSL Axmed Maxamed Maxamud (Silanyo) u magacaabay Wasirka Wershedaha Somaliland.
Wasir Shucayb-na waxan leeyahay hambalyo iyo duco Eebe xilkaa culus hakuu fududeeyo insha alaah.


Xildhiban Cabdirashid Maxamed Xaji Yusuf
Gudomiyaha guddida arimaha bulshada
Golaha Deeganka Berbera