Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL oo Kulan la yeeshay Masuliyiinta Shirkadah Xawilaada Lacagaha iyo Nuxurka Wixi kulankas lagaga Wada hadlay

0
Monday March 16, 2015 - 09:45:16 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL oo Kulan la yeeshay Masuliyiinta Shirkadah Xawilaada Lacagaha iyo Nuxurka Wixi kulankas lagaga Wada hadlay

    Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Ayaa kulan albaabadu u xidhan yihiin Magaaladda Hargeysa kula yeeshay Masuuliyiinta Shirkadaha Xawila Lacagaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Ayaa kulan albaabadu u xidhan yihiin Magaaladda Hargeysa kula yeeshay Masuuliyiinta Shirkadaha Xawila Lacagaha.

Kulankan ayaa markii uu dhamaaday waxa uu wasiirku warbaahinta u sheegay in ay isla meel dhigeen Xawilaadaha lacagaha in aanay shacabka siin Karin wax lacag ah iyaga oo aan sidanin kaadhadhkooda aqoonsiga.

Waxaana Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayaa uu yidhi "waxaanu shir lahayn qolada Xawaaladaha, waxananu ka wadahadlnay arrimo khuseeya dhaqaalaha iyo nabad geylada dalka, waxaad ogtihiin in dadku 70% ay qaateen aqoonsiga muwaadinimada ama kaadhka dhalashada, kaadhka dhalashada dad badan ayaa u fahmsan in loo sameeyey doorashada oo keliya, laakiin waxyaabo badan ayaa loo sameeyay oo ah dadkii wadankan u dhashay in la yaaqaano islamarkaana inuu xaga nabadgelyada fure-weyn u yahay, markaa waxaan doonayaa inaan halkan dadka uga sheego Xawaaladahana aanu ka wadahadalnay oo ah meelaha ugu badan ee ay dadku tagaan waxa ka mid ah Xawaaladaha, waxaanu ku heshiinay in qof aan lahayn ID Kaadh (Aqoonsiga Muwaadinimada) in wax lacag ah oo Xawaaladaha laga siin karaa bisha kowdeeda markay gaadho aanay jirin, dadka waxaan jelcahay inaan u sheego in aanay ku lugo’in Xawaaladahaas ee qof waliba marka laga reebo labada gobo lee Sool iyo Sanaag, Somalland inteeda kale oo dhan oo todobaadkan laga bilaabi-doono Diwaangelinta muddo bil ahna ay socon doonto oo iyagu bishaa wey ka dambayn doonaan, laakiin gobolada intooda kale oo halkan aanu ku heshiinay anaga iyo Xawaaladuhu in qof aan la aqoon wuxuu yahay oo Kaadhkii Muwaadinimad aan sidan in aan Xawaaladaha waxba laga siin karin.

 

Dadka waxaan ku boorinayaa qofkii haysta kaadhka Muwaadinimada waa inuu jeebka ku haysto, qofkii aan haysana meel walba imika wuu yaalaa oo laga diwaangelinayaa inay degdeg u tagaan, waxa iman doonta marka Wasaaradayada laga bilaabi bisha kowdeeda qof aan kaadhka muwaadinimada nambarkiisa laga qorin in aanu albaabka ka soo geli doonin oo aanu iman ka karin, xataa marka Talefoonka la i soo diro ee la yidhaahdo hebelbaa taagan, habel dambe oo la aqbalayaa ma jiro waxa weeyaan sumadiisa eega, hadduu aqoonsiga muwaadinimada sito uunbuu soo gelayaa, haddii oo qof ajnabiya ah yahayna wixii lagula macaamili lahaa baanu samaynaynaa. Waxa iman doonta in aan Iskuulada la tegi karin , waxa iman doonta inaan Huteelada la geli karin oo aan u sheegayo dadka Huteelada leh in bisha kowdeeda Huteelada dadka ku jira waanu baadhi doonaa oo Ciidamo ayaanu u samaynay , wixii bisha kowdeeda ka dambeeya Huteelka laga waayo dadka ku jira inay Aqoonsiga muwaadinimada leeyihiin, wuxuu noqon doonaa Huteel waayi doona sharciyadiisa oo aanu u aqoonsano Huteel ka soo horjeeda nabadgelyada dalka”

Wasiir Waran cadde oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu intaasi raaciyey "Waxaanu samayn doonnaa dhowaan in dadka la joojiyo baabuurta wata oo la waydiiyo sharciyaddooda, hadda waa la eegaa uun oo yaa ku jira ayaa la yidhaahdaaye waxa la odhan doonaa aqoonsigaaga keen dadka, Odaayasha magaalada waxaan u sheegaya dhalinyaradu way iska xamilayaane in ninka laga waayo aqoonsigiisa la geyn doono meel uu seexdo habeenkaas, in kasta oo aanay gogol wanaagsan lahayn, illaa inta uu ka soo qaadanayo aqoonsigiisa Somaliland halkaas ayuu joogi doonaa isaga iyo gaadhigiisuba, waxaana lagu xarayn doonaa geerashyo waaweyn in kasta oo aanay aad u xaadhnayn oo ay leeyihiin dhagaxaan hadana waad iska dul qaadan doontaan haddii aad soo qaadan weydaan kaadhka aqoonsiga, sidaas awgeed waxaan u sheegayaa dadka aan weli qaadan kaadhka muwadinka in aanay dalka ku dhex noolaan karin cid aan sidan kaadhka aqoonsiga Somaliland, dadka aan Somaliland ahayn ee dalka joogana waxaanu u samaynaynaa hab kale iyo xafiisyo ay yimaaddaan oo wixii ay dalka ku joogi lahaayeen la siiyo, meelaha laga soo galo dalkana waxaanu amarnay in lagu soo galo aqoonsiga dalka, cid bedeli kartaana ma jirto kaadhka aqoonsiga somaliland qaabka uu yahay, xataa dawladaha dambe ma edeli karaan midabka uun mooyaane, markaa waxaanu ka wada hadalnay xawaaladaha in laga wada shaqeeyo sixir bararka keeni kara wax aan loo baahnayn" ayu yidhi