FAXALNIMO MUUJI 18 MAY 2014: MUWAADIN KA QAYB-QAADO HIRGELINTA HIMILADA QARANKEENA EE KU WAJAHAN DHISMAHA WADADA CEERGAABO.

0
Sunday March 30, 2014 - 15:56:24 in by salman abdi
  • Visits: 997
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FAXALNIMO MUUJI 18 MAY 2014: MUWAADIN KA QAYB-QAADO HIRGELINTA HIMILADA QARANKEENA EE KU WAJAHAN DHISMAHA WADADA CEERGAABO.

    Hadaba inaga oo maanka ku hayna in Muwaadin kasta uu waajib ka saaran yahay ka qayb-qaadashada horumarka Dalkiisa, waxa Sanadkan 18 May 2014 loo qoondeeyay inuu noqdo Sanadkii Dhismaha Jidka Ceergaabo oo Muhiimad aad u balaadhan u leh Qarankeena.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadaba inaga oo maanka ku hayna in Muwaadin kasta uu waajib ka saaran yahay ka qayb-qaadashada horumarka Dalkiisa, waxa Sanadkan 18 May 2014 loo qoondeeyay inuu noqdo Sanadkii Dhismaha Jidka Ceergaabo oo Muhiimad aad u balaadhan u leh Qarankeena.

Asalaamu Calaykum


Sida Muwaadin kasta oo Somaliland u dhashay uu la socdo waxaa inagu soo aaddan Maalintii Qaranimada ee 18 May oo aynu Sanadkan u Dabaal-degayno 23 Sanadood oo Horumar ah, 23 Sanadood oo Barwaaqo ah, 23 Sanadood oo Dawladnimo nimo ah, 23 Sanadood oo ay Dadweynaheenu si Geesinimo ku jirto ay ugu Mashquulsanaayeen Dhismaha Dalkoodii Burburay oo ay dhinac kasta horumar ka muujiyeen xaga Dhaqaalaha, waxbarashada, Caafimaadka, Nabadgelyada iyo Dhismaha nidaamkeena Dawladnimo, Saddex iyo Labaatankii Sanadood ee ay Jamhuuriyada Somaliland jirtay waxa ay soo martay Jid aad u dheer iyo marxalado kala duwan oo macaan iyo qadhaadhba lahaa. Allah Mahadi haka gaadhee maanta waxa aynu joognaa heer lagu faano oo ay yar tahay cid gaadhi kartaa, waxa aynu nahay ummad isku tashatay oo Allah talo saartay oo iyagu wax qabsaday oo ka soo talaabsaday mixnado tiro badan oo lasoo kulmay sanadahaas ina soo dhafay, iyada oo dadweynaha reer Somaliland guusha ay gaadheen ay sabab u tahay iyaga oo muujiyay Isku Duubni, Wada Jir, Wada tashi, Isu tanaasul, Walaalnimo, wax wada qabsi iyo Xaqa oo ay isugu gargaaraan xaq darradana kaga hor tagaan.

23 Sanadood ka Hor halka aynu socodka ka soo bilownay iyo halka aynu maanta taaganahay waa meel aad u kala fog, waxaana inagu waajib ah inaynu sii laban-laabno dedaalkeena oo aynu sii xoojino sidii uu Dalkeena Hooyo u noqon lahaa Qaran Horumaray oo ay Muwaadiniintiisu ay helaan nolol deggan iyo barwaaqo, sidoo kalana aynu u gaadhi lahayn Yoolkeenka ah in Qarankeenu uu helo Aqoonsi Buuxa.

Hadaba inaga oo maanka ku hayna in Muwaadin kasta uu waajib ka saaran yahay ka qayb-qaadashada horumarka Dalkiisa, waxa Sanadkan 18 May 2014 loo qoondeeyay inuu noqdo Sanadkii Dhismaha Jidka Ceergaabo oo Muhiimad aad u balaadhan u leh Qarankeena.

Waxaan usoo Jeedinayaa Jaaliyadaheena ku Dhaqan Dunida inay u hawl galaan sidii aynu kaalin taariikhi ah oo lama ilaawaan ah aynu uga qaadan lahay Ururinta Dhaqaalahii Jidkaas lagu dhisayo, waxaa magaalo iyo dal kasta ka dhisan Gudiyadii loo Sameeyay Ururinta Dhaqaalaha Jidkaas Ceerigaabo, waana gudiga loo xulay inay soo hooyaan Dhaqaalihii ay jaaliyaduhu ay hore ugu ballan qaadeen ama ay doonayaan inay kagaga qayb-qaataan dhisamaha wadada Ceergaabo.

Hadaba Gudiyadaas loo Xilsaaray Ururinta Dhaqaalaha oo Kaashanaya Madaxda Jaaliyadaha iyo Ururrada Bulshada ee ka jira Dal kasta, sidoo kalana Gacan buuxda ka heli doona Danjirayaasha Somaliland ee wadamadooda jooga, xidhiidh joogta ah iyo talooyina ka helaya Gudigii Heer Qaran ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland u xil saaray Dhaqaale Ururinta Jidkaas, waxaan usoo jeedinayaa inay degdeg u abaabulaan shirar iyo kulamo loogu hawl galayo sidii jaaliyadaha loo hawl galin lahaa si looga midho dhaliyo in Sanadkan 18 May 2014 uu noqdo Sanad taariikhda meel gaar ah ka gala oo aynu hirgalino dhismaha Wadada isku Xidha Togdheer iyo Sanaag.

Somaliland ha Guulaysato

Amb. Kaysar Cabdilaah Maxamed

Kaysar@diplomats.com