Dawladda Sucuudiga Oo Sharci Cusub Ku Soo Rogtay Dadka Doonaya Inay xajaan Sannadkan

0
Monday March 16, 2015 - 15:40:58 in by Burco Office
  • Visits: 544
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Sucuudiga Oo Sharci Cusub Ku Soo Rogtay Dadka Doonaya Inay xajaan Sannadkan

    Dawladda Sucuudiga ayaa xujayda gudanaysa waajibaadka Xajka ku soo rogtay inay saddex bilood ka hor gudbiyaan Basabooradooda si loo siiyo dal ku gal(Fiisaha).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Sucuudiga ayaa xujayda gudanaysa waajibaadka Xajka ku soo rogtay inay saddex bilood ka hor gudbiyaan Basabooradooda si loo siiyo dal ku gal(Fiisaha).


Dawladda ayaa sheegtay in qof kasta oo doonaya inuu Soo xajo ay tahay inuu ugu dambeyn 30-ka bisha Shabcaan oo ku beegan 17 June in dadka Basabooradooda la wada arko si fiisaha loo bixiyo.

 

 


Ururka dalada Muslimiinta Kenya (Supkem) iyo shirkadaha xujeyda dhoofiya ayaa ka cabanaya shuruudan waxayna sheegayaan in ay ku adagtahay dadku in ay si dhaqso ah ku helaan baasaboor.

Sheikh Yacquub Yoonis waxa uu ka mid yahay dadka xujayda dhoofiya, waxaanu ka qayb galay madasha shuruudahan Sucuudigu ku soo bandhigay waxaanu yidhi isagoo ka hadlaya dhibka arrintani keeni karto "Wakhtigaas(17 june) wixii ka dambeeya waxa dhacaysa inaan qofka Xajka u socda aan Basaboorkiisa la qaadayn, sababtoo ah arrintani waa Arrin Sucuudigu qoray oo nidaamkoodana way ku adag yihiinā€¯ ayuu yidhi SHeekha.

Sheekh Yacquub, oo ka soo jeeda Kenya, ayaa isagoo BBC-da la hadlaya waxa uu sheegay in arrintani caqabad ku noqon doonto Soomaalida oo inta badan diyaar garoobi jiray marka bisha Soon dhamaato, islamarkaana ay suuro gal tahay inaanay wakhtigaasi Basaboor iyo arrimaha kale ee xajku u baahan yahay helin.


contact@afkashaacbka.com