Cristiano Ronaldo Oo Noqday Shaqsiga Ugu Taageerada Badan Facebook Isagoo Kala Wareegay Xaaska Gerard Pique Ee Shakira

0
Monday March 16, 2015 - 15:58:10 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cristiano Ronaldo Oo Noqday Shaqsiga Ugu Taageerada Badan Facebook Isagoo Kala Wareegay Xaaska Gerard Pique Ee Shakira

    Cristiano Ronaldo ayaa malaha ku jira waqti adag oo waayihiisa Real Madrid ah, laakiin waxa ay u muuqataa inuu ka soo kabsanayo. Xiddiga sannadka adduunka ayaa haatan noqday shaqsiga ugu caansan barta bulshada ee Facebook. Xiddiga Portugal ayaa ka sa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cristiano Ronaldo ayaa malaha ku jira waqti adag oo waayihiisa Real Madrid ah, laakiin waxa ay u muuqataa inuu ka soo kabsanayo. Xiddiga sannadka adduunka ayaa haatan noqday shaqsiga ugu caansan barta bulshada ee Facebook. Xiddiga Portugal ayaa ka sarre maray heesaada Shakira oo ah xaaska daafaca Barcelona Gerard Pique isagoo qabtay kaalinta 1aad. Ronaldo ayaa haatan waxaa bogiisa facebook jeclaatay 107 milyan ruux, waxaana uu 5 kun dheer yahay heesaada caanka ah ee reer Colombia Shakira. Ronaldo kooxdiisa Real Madrid ayaana iyagana ku jira kaalinta 11aad iyagoo helay 83 milyan likes, waxaana ay hal boos ka danbeeyaan kooxda xafiiltanka uu ka dhaxeeyo ee Barcelona

Ma jirto shaqsi isboorti oo ku soo dhawaanaya Ronaldo, iyadoo Lionel Messi uu yahay ninka labaad ee isboorti ee ugu caansan shabakada Facebook, waxaana boskiisa jeclaatay 78 milyan ruux, laakiin waxa uu shaqsiyaadka ugu caansan Facebook kaga jiraa kaalinta 13aad.

Likes-1

Liiska Raga Isboorti Ee Ugu Caansan Facebook

Kaliya ma ahan Facebook halka uu Ronaldo ku sareeya, sidoo kale waa ninka isboorti ugu taageerada badan Twitter. Waxaana bogiisa la socota 34 malyuun oo ruux, waxaana uu hal milyan ka badan ka sareeyaa ninka ku soo dhow xiddigii hore ee AC Milan Ricardo Kaka.

Ronaldo ayaa awood ku heysta haatan baraha bulshada laakiin sidaasi lagama oran karo kooxdiisa. Xiddigii hore ee Man United ayaa ahaa mid farxadi ay ka fog tahay ka dib guuldaradii ugu danbeysay ee ka soo gaartay Schalke wareegii 16ka Champions League.

Inkastoo ay u soo baxeen wareega 8da, Ronaldo ayaa wacad ku maray inuusan la hadli doonin suxufiyiinta. "Ma hadli doono mar kale ilaa iyo dhamaadka xilli ciyaareedkaā€¯ ayuu Ronaldo u sheegay suxufiyiinta


Contact@afkashacabka.com