Daawo: Maayar Shucaybkii Gabilay oo ka hadlay Xilka Madaxweynuhu u Magacaabay iyo Xildhiban Tukaale oo Belaayo Gabilay la soo Dhaafiyey ku tilmaamay

0
Monday March 16, 2015 - 16:11:58 in by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Maayar Shucaybkii Gabilay oo ka hadlay Xilka Madaxweynuhu u Magacaabay iyo Xildhiban Tukaale oo Belaayo Gabilay la soo Dhaafiyey ku tilmaamay

    Dad badan ayaa aaminsanaa in Shucayb Maxamed Muuse Xilkan wasiirnimo ay uga wanaagsanayd inuu sii ahaado Maayarka Gabiley balse waxa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dad badan ayaa aaminsanaa in Shucayb Maxamed Muuse Xilkan wasiirnimo ay uga wanaagsanayd inuu sii ahaado Maayarka Gabiley balse waxa
Shucayb Maxamed Muuse, Maayarkii hore ee Gabiley, haatana ah Wasiirka Warshadaha Somaliland, oo Madaxweyne Siilaanyo ugu magacaabay isku shaandhayntii ugu dambeysay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo xilka Madaxweynuhu u magacaabay islamarkaana diyaar u yahay inuu qabto.

Dad badan ayaa aaminsanaa in Shucayb Maxamed Muuse Xilkan wasiirnimo ay uga wanaagsanayd inuu sii ahaado Maayarka Gabiley balse waxa uu si fiican u soo dhaweeyay xilka loo magacaabay "Xilkaas Madaxweynaha Somaliland Ii magacaaba diyaar baan u ahay waanan soo dhaweynayaa,meel kasta oo la ii magacaabo waxaan diyaar u ahay inaan qabto maadaama oo loo shaqaynayo qaranka Somaliland.xilkaas Madaxweynuhu igu sharfay waan qabanayaa, maanta wasiir baan ahay shalayna Maayar baan ahaa” ayuu yidhi Maayarku.

Maayarka oo Saxaafadda Hargeysa kula hadlayay ayaa la waydiiyay sida uu u arko xilka loo magacaabay Xilli xukumaddu sii socoto maadaama Xukumaddii Rayaalena wakhtiyadii u dambeeyay wasiir loo magacaabay, wuxuuna sheegay inaanay u muuqan Xukumad wakhtigeedu sii dhamaanayo, isagoo ku dooday in Madaxweyne Siilaanyo ku guulaysanayo teeramka dambe.

Dhanka kale Xildhibaan Bashiir Tukaale, oo ka tirsan Aqalka Wakiilada kana soo jeeda Gobolka Gabiley, ayaa dhaliilay siyaasadda Maayarka hore ee Gabiley, kuna tilmaamay balaayo Bulshada Gabiley ilaahay farash uga furay.

"Waan Maqlay in Maayarkii Wasiir loo magacaabay, Barigii horena Rayaale ayaa soo helay meeluu ka soo helayna maanan garanayne 10 cisho ayuu magacownaa…Imikana dawlad sii dhacaysa oo wakhtigeedii dhamaaday ayaa wasiir looga magacaabay..Gabiley-na balaayo illaahay soo dhaafiyay weeye oo way nasiib badan yihiin” ayuu yidhi Xildhibaan Bashiir Tukaale.

Shucayb Maxamed Muuse, Maayarkii Gabiley, ayaa golaha degaanka hogaaminayay tan iyo 2012-kii wakhtigii la doortay, waxaana marar badan dhacday dhaliilo bulshada iyo Xildhibaanadu u jeediyeen.