Daawo: Gudomiyekuxigenka WADANI oo sheegay inay Xisbi ahaan Xarrimeen TVga Qaranka ka soo muuqashadiisa +SABABTA

0
Thursday March 19, 2015 - 07:55:55 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Gudomiyekuxigenka WADANI oo sheegay inay Xisbi ahaan Xarrimeen TVga Qaranka ka soo muuqashadiisa +SABABTA

    Xisbiga Mucaaridka ah ee WADANI, ayaa si badheedha uga baaqsaday dood Saddexda Xisbi Qaran uu Tv-ga Qaranka Somaliland ku casuumay habeenkii xalay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Mucaaridka ah ee WADANI, ayaa si badheedha uga baaqsaday dood Saddexda Xisbi Qaran uu Tv-ga Qaranka Somaliland ku casuumay habeenkii xalay.

Doodan oo siduu qorshuhu ahaa lagu marti qaaday Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbiga KULMIYE, Xildhibaan Maxamed Xaji Yuusuf Wabeeyo, Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID, Muj: Cali Axmed Yuusuf (Cali Guray) iyo Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga WADANI Axmed Muumin Seed.

Waxaase soo xaadiray labada Guddoomiye Ku-xigeen ee KULMIYE iyo UCID, halka uu gabi ahaanba ku gacan saydhay masuulkii Xisbiga WADANI. Arrintaas ayaa keentay in masuulkii Xisbiga UCID oo aha Cali Guray, eedayn u jeediyo Xisbiga WADANI, isagoo sheegay inay khalad tahay maqnaanshaha Xisbigaas mar hadii Tv-ga Qaranka oo Xukuumaddu maamusho laga siiyay doorkii ay ku la hayeen.

Dhawaaqa Xisbiga UCID, waxaa maanta ka jawaabay Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga WADANI, Axmed Muumin Seed, oo sheegay inay gabi ahaanba go’aan cad uu Xisbigu ka qaatay Telefeeshinka Qaranka Somaliland, in laga baahiyo wax Xisbigaas khuseeya, Mud. Seed oo Saxaafadda kula hadlaayay Magaalada Hargaysa ayaa yidhi.

"Xalay waxa nalooga yeedhay Dood uu qaban laha Tv-ga Qaaranku oo ay ka qayb qaadan la hayeen Saddexda Xisbi. Hasayeeshe Tv-ga Qaranka annagu Xisbi ahaan uma aragno Telefeeshin dhex dhexaad ah oo ummadda u adeegaya, sidaas darteed waanu ka cudur daaranay ka Xisbi ahaan in aanaan tagin. Marka saaka ayaan ku arkay Saxaafadda qaarkeed iyada oo la leeyahay Xisbiga WADANI wuxuu ka baaqay inuu ka qayb galo Doodi Tv-ga Qaranka. Marka Waxaanu go’aan sanay maadaama Telefeeshinka Qaranku aanu ahayn mid si dhex ah Xisbiyada ugu adeegaya inaan wax Xisbiga Wadani leeyahay aanay ka bixin Tv-gaas.”