Daawo: Qalinjebintii Ardayda Jaamacadda Burco ee Maanta iyo Dardaarankii Wasiiradda iyo Masuliyiinta Jaamacadda +SAWIRO

0
Thursday March 19, 2015 - 17:27:58 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Qalinjebintii Ardayda Jaamacadda Burco ee Maanta iyo Dardaarankii Wasiiradda iyo Masuliyiinta Jaamacadda +SAWIRO

    Munasibad Balladhan Oo Shahaadooyin iyo Abaalmarino Lagu Guddoonsiinayey in ka badan 140 Arday Oo Ka Qalin Jabiyay Jamacada Burco Ee Magalada Burco.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munasibad Balladhan Oo Shahaadooyin iyo Abaalmarino Lagu Guddoonsiinayey in ka badan 140 Arday Oo Ka Qalin Jabiyay Jamacada Burco Ee Magalada Burco.


Munasibadani Oo Ahayd Mid Kulmisay Bulshada Qaybaheeda Kale Duwan Iyo Masuliyiin Tiro Badan Ayaa Waxa Kasoo Qayb Galay Wafti Wasiiro Ah Oo Ka Socday Xukumada Isla Markaana Uu Hogaaminayay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaji Xasan, Wasirkii Hore Ee Beeraha Ahna Wasirka Cusub Ee Waxbarashada Pro:Faarax Cilmi Geedole ,Wasiir Dawlaha Wasarada Waxbarashada Axmed Nuur Faahiye , Gudoomiyaha Jamacada Nugaal ee Laascaanood, Masuliyinta Jamacada Burco, Mamulka Gobolka, Ka Degmada, Waalidin, Cuqaal, Aqonyahano, Haween , Arday Iyo Marti Sharaf Kale

Munasibadani Balaadhan oo ahayd mid ay ku Qalin Jabinayeen Dufcadii 4aad Ee Ka qalinjebisa Jaamacada Burco Ayaa Ardaydani Ku Diyaariyeen Shahaadada "Degree” Ee Kulliyadaha Kala Duwan Ee Jaamacada Sida "Facult Of Puplic Bussiness , Facult Of Sharia Low, Facult Of Ict, Facult Of Animal Scenes and Agricalture,

Waxana Ugu Horayna Munasibadani Ka Hadlay Gudoomiyaha Jamacada Burco Proff:Salebaan Dirir Cabdi Qar Ka Mida Masuliyiinta Jamacada Waxayna Si Is kumida Uga Warrameen Sida Ay Ushaqayso Jamacadu Iyo Sidii Wanagsanayd Ee Ardaydu Ay Uga Faaidaysteen Jamacada Waxana Hadladoodi Ka Mid Ahaa Sida Tan " Ardaydani Manta An U Fadhino Qalinjabinteeda Waa Dufcadii 4aad Ee Ka Qalinjabiya Jamacada Burco Waxana Aan Ku Amaanaya Si Wanasan Ee Ay Ubaranayeen Culumta Kale Duwan Ee Jamaca Wa Aan Leeyahay Jaamacadaha Dalka Waa In Awooda La Saara Wasirki Waxbarashaduna Waa Uu Fadhiyaaya Ummadu Waxay Ku Dhisataa Waa Jaamaacadaha, Waxay U Baahantayah In Halkaas Hore Uga Sii Socono Uma Baahinin In Aynu Dib U Noqono Umadani Waxay U Baahan Tahay Intay hore U Qabsatay Oo Loo Qabto Hab Cusub Oo Lagu Tayeeyo Jamacadaha”

Waxa Iyguna Munasibadani Ka Hadlay Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxmed Muuse Diriye, Maayirka Magalada Burco Maxmed Muraad, iyo Xildhibaan Aar Oo Ku Hadlayay Afka Ardayda Waxana Ay Si Isku Mid Ah Ay Ubogaadiyeen Ardayda Maanta Ka Qalin Jabinaysa Jamacada Burco Isla Markaana Kula Dardaarmay Inanay Halkaasi Kaga Hadin Aqoonta Ee Ay Si Wadaan Kana Fogaadan Afooyinka Dhalinyarada Hadhayay Ee Ay Ka Midka Yahiin Qabyalada,Tahribta Iyo Nabada Galyada Waxii La Halmal Hadaloodina Waxa Ka Mid Ahaa Sida Tan Xildhibaan Aar ayaa Dawladda ka codsaday inay Shaqo abuu ru sameyan Da’yarta "Waxbarashadu Waxay U Baahan Tahay Samir Dheer Waxaa Jira Waddano Aan Ahysan Nabad Oo Aan Awoodin Inay Maanta Isku Yimadaan Waxa Aan Idin Sheegaynaa Inaad Ka Fogaataan Tahribta Oo Ah Shayga Hadhayay Dhalinyarada Waxa Aan Kula Talin Lahaa Wasirada Ka Soo Qayb Galay Munasibada In Sanadkasta Ay Jamacada Dalka Ka Qalin Jabiyaan Todaba Kun Oo Arday Markaa Sanadba Sanadka Ka Danbeeya Way Ka Sii Badanayaan Ee Wasiir Anigga Oo Ogsoon Kaydka Dawlada Waxa Aan Leeyahay Hala Shaqo Galiyo Ardayda Ka Baxaysa Jamacadaha Oo Haloo Sameeyo Shaqo Abuur”

Waxa Iyaguna Munasibadani Ka Hadlay Sheekh Cali Warsame Oo Kalmada Wacdiya Oo Ku Qotanta Cilmiga Ka Jeediyay ,Gudumiyaha Hormarinta Gobolka Togdheer Maxamud Aadan Dhari Iyo Gudoomiye Ku Xigeenki Hore Ee Jamacada Burco Ismaciil Maxmud Maxmed Carraale Waxayana Ka Warrameen Aqoonta Iyo Faaidada Ku Duugan Waxayna Si Isku Mida Ubogaadiyeen Ardayda Qalinjabsay Waxana Hadaloodi Ka Mid Ahaa Sida Tan:"Aniga Iyo Gudidii Jaamacada Aaad Iyo Aadbay Bay Ii Faraxad Galinaysaa In Maanta Jaamacaad Burco Ay Ka Qalin Jabinayaan Dufacadii Afraad Waxana U Mahad Ceelinayaa Waalidka Ku Soo Tabcaayay Mudada Intaa Leeg Ee Ay Waxbaranayaan Waxa Kale Oo Aan Kula Talin Lahaa Inanay Halkaasi Kaga Hadhin Aqoonta" ayu yidhi Maxmud Adan dheri

Gabagabadiina Waxa Halkaasi Ka Hadlay Wasirka Madaxtooyada Somalilan Wasiir Xirsi Xaaji Cali Xasan ,Wasiirka Cusub Ee Wasarada Waxbarasha Ahaana Wasiirku Hore Ee Beeraha Pro:Faarax Cilmi Geedoole Iyo Wasiir Dawlaha Waxbarashada Oo Ku Dheeraday Muhimadda Ay Leedahay Aqoonto Iyo Kaalinta Ay Ardayda Jamacadeed Ay Ka Taagan Yahiin Dalka Waxanay Si Isku Mida U Bogaadiyeen Ardayda Qalin Jabsisay Oo Ay Kula Dardaarmeen Inay Ka Fogadaan Tahribta Waxa Haladoodi Ka Mid Ahaa Sida Tan"Maskaxdiina Ka Saara Waxa La Yidhaahdo Tahriibta, Maanta Waxaad Tihiin Aqoonyahanada Dalka , Cida Inoo Abuurtay Jaamacadaaha Ha Noqota Sida Nugaal Burco,Berbera ,Hargeysa,Iyo Boorama Waa Inaynu Baal Dahaba Ku Qornaa ,Inaanu Xaqijino Hadafka Aynu Ku Socono,Laba Shay Ayaa Tartanka Kuwada Jira Waa Cilmi Iyo Jahli Waxaad Ogtihiin In Mid Dib Inoo Dhigaayo Midna Horumar Ina Gaadhsiinayo Cilmigii Waad Ku Guulaysateen Ee Umada Inaad Badbaadisaan ,Shaqada Idinkaa Sameesan Kara Ee Ha Ka Dhigina Caqabad Waxaad Ogtiin Horyaal Waliba Inay Yahiin Rer Burco”ayuu yidhi Wasiirudawlaha waxbarashada axmed nur faahiye

Gabagabadiina Waxa Aabal Marin Kale Gadisaan iyo shahaadoyin La Gudoonsiyay Arday Ka Qalin Jabiyay Jamacada Burco Oo Noqanayaa Dufcadii 4aad Ee Ka Qalin Jabiyay Jamacada Isla Markaana Facaltyiyo Kale Duwadan Sida Faculty Of Business , Faculty Of Sheria And Low, Faculty Of ICT, Faculty Of Iyo Animal Scenes Agricalture (Agro Veterinary) Iyo Facalty of Education.

Ardaydan ayaa ka qaybgali Doona Casuumad Casho sharaf oo Wasiirka Madaxtotadu u fidiyo inta badan Ardayda ka qalinjebisa Jaamacadaha Dalka oo uu caawa ugu samayn doono Hotel City Palaza Burco




 

Abdirisaq Koronto
Afkashacabka.com
Burco / Office
Contact@afkashacabka.com