Dawladda Sucuudiga Oo Qaaday Tallaabo Kale Oo Aad U Sii Xumayn Karta Xidhiidhka Ay La Leedahay Dalka Sweden

0
Friday March 20, 2015 - 12:59:03 in
  • Visits: 718
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Sucuudiga Oo Qaaday Tallaabo Kale Oo Aad U Sii Xumayn Karta Xidhiidhka Ay La Leedahay Dalka Sweden

    Waxaa weli cirka isku sii shareeraya xiisadda siyaasadeed ee ka dhex aloosantey dalalka Sweden iyo Sucuudiga. Boqortooyada Sucuudiga ayaa shalay (Khamiis) soo saartey go'aan sheegaya in aan dal-ku-galka ama Fiisaha la siin karin ganacsatada u dh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa weli cirka isku sii shareeraya xiisadda siyaasadeed ee ka dhex aloosantey dalalka Sweden iyo Sucuudiga. Boqortooyada Sucuudiga ayaa shalay (Khamiis) soo saartey go'aan sheegaya in aan dal-ku-galka ama Fiisaha la siin karin ganacsatada u dhalatey dalka Sweden.


Warkan waxaa telefishanka dalka Sweden ee SVT u xaqiijisey Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sweden (UD).

Go’aankan ayaa daba socda kadib muran labada dal u dhexeeyey maalmihii u danbeeyey, kaas oo sababey in Sucuudigu u yeedho Safiirkoodi dalka Sweden, halka dalka Sweden ay joojisey heshiiskii dhanka hubka ganacsiga ee ay laa gashey dalka Sucuudiga in ay dib u cusbooneyiiso.

Xanibaada Sucuudigu saarey ganacsatada Iswidhish-ka ah ayaa caqabad iyo culeys ku noqon doona ganacsatada dalka Sweden. Go’aanka ka soo baxay Sucuudiga ayaa la sheegey in aanu saameyn ku yeelan doonin dadkii horey u haystey ciqaamadaha lagu joogi karo Sucuudiga oo ay wadan karaan hawlahooda.

Agaasimaha Warfaafinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sweden Erik Boman ayaa sheegey in ay aad uga xun yihiin go’aanka Sucuudiga isla markaana uu rajeynaayo in xal laga gaadho dhawaan.

 

 


-”Waxaan ku rajo weynahay in xidhiidhka labada dal uu caadi ku soo noqdo, xalna loo helo arrimaha socda, waxaana dooneynaa in cilaaqaadku noqdo mid wanaagsan” ayuu yidhi Erik Boman.

Xiisadda labada dal ayaa ka soo bilaamatey iyada oo dalka Sweden marar badan ku canbaareeyey Sucuudiga sida uu ugu tunto xuquuqda aadanaha, waxaana ay Xiisaddu cirka isku sii shareertey markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sweden Margot Wallström lagu casumey shirkii jaamacadda Carabta maalintii bilodgii bishan ee Qaahira si ay uga jeediso khudbad, waxaana ka hor istaagey in ay hadal jeediso Sucuudiga, iyaga oo kaga jawaabaya canbaareyntii Sweden.



Contact@afkashacabka.com