Madaxwaynaha Nigeria Oo Ololihiisa Doorashada Ku Sheegay In Deeganada Boko Haram Haysato Laga Saari Doono.

0
Friday March 20, 2015 - 13:27:42 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Nigeria Oo Ololihiisa Doorashada Ku Sheegay In Deeganada Boko Haram Haysato Laga Saari Doono.

    Madaxweynaha Nigeria Goodluck Jonathan ayaa sheegay in uu aaminsanyahay in Boko Xaram laga saari doono dhamaan degaanada gacanta ugu jira muddo bil gudaheed ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Nigeria Goodluck Jonathan ayaa sheegay in uu aaminsanyahay in Boko Xaram laga saari doono dhamaan degaanada gacanta ugu jira muddo bil gudaheed ah.


Madaxweynaha ayaa hadalkan jeediyay xili uu isu diyaarinayo doorasho lagu wado in Nigeria ka dhacdo toddobaadka soo socda, waxa uuna dadaal ugu jiraa sidii dib loogu soo dooran lahaa.

 

 


Waraysi gaar ah oo uu BBC-da siiyey ayuu Jonathan ku qiray in ciidamada ammaanka ay si gaabis ah uga jawaab bixiyeen weerarada Boko Xaram, weeraradaas oo ay ku dhinteen kumanaan kun oo qof.

Balse waxa uu sheegay in kaalmada uu dalkiisa ka helay waddamada deriska ay ka caawisay in kooxdaasi laga saaro magaalooyin iyo tuulooyin badan.

Doorashada dalka Nigeria waxaa lagu wadaa in ay dhcdo 28-ka bishan.




Contact@afkashacabka.com