Daawo: Golaha Wakiilada oo Dhowaan Ansixin Doona Goboladii Madaxweyne Rayaale Magacaabay iyo Qiimayn lagu kala saari Doono Goboladaas oo ay iclaamiyeen Xubno kamida Goluhu

0
Saturday March 21, 2015 - 07:55:35 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Golaha Wakiilada oo Dhowaan Ansixin Doona Goboladii Madaxweyne Rayaale Magacaabay iyo Qiimayn lagu kala saari Doono Goboladaas oo ay iclaamiyeen Xubno kamida Goluhu

    waxa dhowaan la rajaynayaa in golaha Wakiilada la horgeeyo goboladii cusbaa ee dawladii madaxweyne Daahir Rayaale magcaabay,kuwaas oo la ansixin doono kuwa buuxiya shuruudaha laga rabo ,halka kuwa kalena dib loo dhigi doono.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxa dhowaan la rajaynayaa in golaha Wakiilada la horgeeyo goboladii cusbaa ee dawladii madaxweyne Daahir Rayaale magcaabay,kuwaas oo la ansixin doono kuwa buuxiya shuruudaha laga rabo ,halka kuwa kalena dib loo dhigi doono.

Sidaasna waxa sheegay xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo u waramaayey television ka madaxabanaan ee Bulsho Tv,waxaanu sidoo kale dardaaran usoo jeediyey maayirka cusub ee magaalada Gebiley dhowana loo doortay oo uu sheegay inay tahay inuu badsado la tashiga xildhibaanada golaha degaanka ee magaaladaasi.

Xildhibaanka oo arrimahaasi ka hadlaayeyna waxa hadaladiisii kamid ahaa "Waxaanu Rajaynaynaa in uu dhowaan noo soo gudbiyo Madaxweynuhu Gobolada la magaaabay ansixin tooda, goboladana waa la qiimaynayaa oo ta ka soo baxda ayuunbaa gobol loo aqoonsanayaa, waxaanan rajaynayaa inuu gobolka Gebilay noqon doono gobolka koowaad marka la qiimeeyo, maadaama oo uu goboladii hore ku ladhnaan jiray oo la odhan jiray 6-da gobol iyo gebiley, markaa waxaanu doonaynaa in golaha si deg deg ah loo keeno Gobolada cusub ee la magacaabay si loo ansixiyo”.

Sidoo kalena mar uu ka hadlaayey maayirka cusub ee loo doortay degmada Gebiley ayuu usoo jeediyey talo iyo waano wax ku ool ah,taas oo uu yidhi "Runtii is bedel fiican ayaa dhacay, waxaan qabaa in maayirka cusubi uu wax ka qaan doono gobolka gebiley, in badan ayaanu rajaynaynay in uu yimaado wiilkaas hadda loo doortay, waananu ugu ducaynaynaa, waxa dortay tiradii ugu badnayd ee golaha deegaanka oo dhamaan way u wada codeeyeen, sidaas daraadeed waxaan qabaa inaanay ka hor imanayn, waxaanan rajaynayaa in aanuu marnaba ka dul boodayn xildhibaanada doortay, waxaan u soo jeedinayaa in uu la tashado mar kasta oo uu talada wax ka siiyo”.



Contact@afkashacabka.com