Qaraxii Lala Beegsaday Labo Masaajid Oo Kuyaala Dalka Yeman Oo Dhimashadu sii kordhayso

0
Saturday March 21, 2015 - 08:05:23 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxii Lala Beegsaday Labo Masaajid Oo Kuyaala Dalka Yeman Oo Dhimashadu sii kordhayso

    Qaraxii xoogana ee ka dhacay Laba Masaajid ku yaala magaalada Sanca ee dalka Yeman, ayay sii kordhayaan dadka ku dhintay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaraxii xoogana ee ka dhacay Laba Masaajid ku yaala magaalada Sanca ee dalka Yeman, ayay sii kordhayaan dadka ku dhintay

 iyadoo ilaa hadda ay dhimashadu marayso 130 qof halka  tiro kalana  ay ku dhaawacmeen kadib markii labo masjid oo ku yaal magaalada Sanca ay dad isa soo miidaamiyeen ay isku dhex qarxiyeen. Dadka wax ku noqday qaraxyadan ayaa ku tukunayay salaada Jimce masaajidyada Badr iyo al-Hashoosh ee magaalada Sanca kadib markii saddex ruux oo naftood hurayaal ah ay isku qarxiyeen masaajidyadaas.

imageimage

Muuqaalo la soo bandhigay ayaa lagu arkay maydad dhex yaal dhiig faro badan barxada labada masjid iyadoo dadka la geynayay isbitaalada. Masaajidyadan ayaa waxaa badanaa ku tukada taageerayaasha dhaqdhaqaaqa uu hogaamiyo shiicada Xuutiyiinta kuwaasoo maamula inta badan magaalada Sanca.

Waxaa ka jira dalka Yemen xiisado u dhexeeya qeybaha hubeysan ee ka jira dalka Yemen, waxaana ka mid ah qeybahaas maleeshiyaad taageersan ururka Al-qacida. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ugu yaraan labo ruux oo isku soo xiray waxyaalaha qarxa ay weeraren masjidka Badr ee koofurta Sanca. Mid kamid ah labada ruux ee ismiidaaminayay ayaa gudaha u galay masjidka iskuna dhex qarxiyay, dadkii ka badbaaday qaraxa ayaa markii ay isku dayeen inay ka baxaan albaabka ayaa qofkii labaad ee is qarxinayay uu isku qarxiyay afaafka hore ee masjidka.

Dadka ku geeriyooday qaraxyadan ayaa waxaa ka mid ahaa wadaad Shiice ah oo la oran jirey al-Murtada bin Zayd al-mahatwari oo ahaa iimaamka masajidka Badr. Illaa hadda lama oga cidda ka mas’uulka ah qaraxyadan hase yeeshee dadka qaarkii ayaa ku eedeynaya inay ka dambeeyeen dad taageera ururka ISIS.