Madaxweyne Obama oo Fariin Muuqaal ah u diray Madaxda iyo shacabka Dawladda IRAN

0
Saturday March 21, 2015 - 08:12:10 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Obama oo Fariin Muuqaal ah u diray Madaxda iyo shacabka Dawladda IRAN

    Obama ayaa hogaanka iyo shacabka Iran ugu baaqay in laga faa'iideysto fursada xiligan heshiis in laga gaaro wadahadalka u socda Reer Galbeedka iyo IRAN ee barnaamijka nukliyeerka dalkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Obama ayaa hogaanka iyo shacabka Iran ugu baaqay in laga faa'iideysto fursada xiligan heshiis in laga gaaro wadahadalka u socda Reer Galbeedka iyo IRAN ee barnaamijka nukliyeerka dalkaasi.

Wadahadalka xiligan ka socda dalka Switzerland oo u dhaxeeya IRAN iyo xubnaha joogtada ah ee Golaha amaanka iyo waliba dowlada Germany, ayaa la sheegay in horumar laga sameeyey balse dhinacyada kala duwan in weli farqi u dhaxeeyo qodobada muhiimka ah qaarkood.

Barack Obama ayaa sheegay in hadii heshiiskaasi lagu guuleysto uu noqon doono mid taariikhi ah oo anfaca labada dal ee Maraykanka iyo Iran.

Fariintan ayuu Obama ku beegay xuska sanadka cusub ee dalkaasi Iran ee loo yaqaan (Nowrus).

Waxay sidoo kale kusoo beegmaysaa todobaadyo kadib markii waraaq Hanjabaad ah oo ay xildhibaanada mucaaridka Maraykanka u direen hogaanka Iran, warqadaasi oo xiisad ka dhex abuurtay xisbiyada siyaasada ee dalka Maraykanka.

Hogaamiyaha Maraykanka ayaa ku mintidaya inuu heshiis la galo IRAN, kaasi oo guul taariikhi ah u noqon karta Obama oo xilka ka degaya sanad kadib.

Balse heshiis dhexmara Maraykanka waxaa si weyn uga soo horjeeda Mucaaridka Maraykanka, Isra’iil iyo waliba dalalka Carabta ah ee Khaliijka oo IRAN u arka khatar weyn.

Dowlada IRAN ayaa dhankeeda dooneysa in la qaado Cunaqabteynta dhaqaalaha ee saaran oo si weyn u saameysay ganacsiga dalkaasi.

Iran ayaa sidoo kale u aragta Obama hogaamiyaha ugu roon ee Maraykanka soomaray oo ay gorgortanka la geli karaan.

Hase yeeshee waxay labada dhinac weli ku heshiin la’a yihiin qodobada ay kamid yihiin hakinta ama joojinta Barnaamijka nukliyeerka muddo 10 sano ah iyo waliba in khubaro shisheeye ay kormeer joogto ah ku sameeyaan xarumaha Nukliyeerka ee IRAN.

Dhamaadka bishan ayaa loo balansan in heshiis laga gaaro wallow weli ifafaalo fiican aysan ka muuqan wadahadalka dalka Switserland uga socda dhinacyadaasi.