"Arday walba oo soo qalinjabiyaa waa dheeman dhulkeena ku soo biiray , Aqoontuna waa Hanti meel walba kuu raacaysa tuugna kaa xadi Karin" Wasiirka Madaxtooyada JSL

0
Saturday March 21, 2015 - 08:16:55 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Arday walba oo soo qalinjabiyaa waa dheeman dhulkeena ku soo biiray , Aqoontuna waa Hanti meel walba kuu raacaysa tuugna kaa xadi Karin" Wasiirka Madaxtooyada JSL

    Wasiirka Madaxtooyada JSL Xirsi Cali Xaji Xasan oo Qoraal kooban oo Bogaadin iyo Dardaaran ah u Dhigay Boggiisa facebook Ardaydii ka qalinjebisay Jamacadda Burco ayaa yidhi sidan:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Madaxtooyada JSL Xirsi Cali Xaji Xasan oo Qoraal kooban oo Bogaadin iyo Dardaaran ah u Dhigay Boggiisa facebook Ardaydii ka qalinjebisay Jamacadda Burco ayaa yidhi sidan:

"Arday walba oo soo qalinjabiyaa waa dheeman dhulkeena ku soo biiray , Aqoontuna waa Hanti meel walba kuu raacaysa tuugna kaa xadi Karin" 
++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++
"Duco iyo Hambalyo ayaan u Hibaynayaa Halyeeyada maanta ka qalinjabiyey Jaamacada Burco”
-----------------------------------------------------------------------------------


Maanta ayaanu madal maamuus iyo milgo badan marag kaga noqonay 141 arday oo ka qalinjabinayey kuliyadaha kala duwan eejaamacada Burco

Waxaan marag ka ahayn maal-qabeeno yeeshay hanti meel walba u raacaysa tuugna ka xadi Karin! Waayo aqoontu waa hanti ma guuraan ah.

Meel walba oo aad eegto waxay indhahaagu qabanayeen halyeeyo hamuun u qaba in ay nolosha heersare ka gaadhaan oo isugu hambalyeynaya himiladii ay habsanayeen oo durba u rumowday

Waxaa hubaal ah in qofka bilaa aqoonta ahi lamid yahay shimbir bilaa baalal ah waayo aqoontu waa mida ku gaadhsiisa heegada sare ee nolosha "A person without knowledge is like a bird without wings”

Waxa xaqiiq ah in safar walba oo aad u dheer ka unkamo talaabo kaliya, saakana ay u ahayd ardayda dhamaystirka riyo ay in ka badan toban sano qalbiga ku hayeen.

Sidaasi mid lamida ayaan hubaa in aad nolosha guulo badan ka gaadhi kartaan hadaad la timaadaan duco, dedaal, dikri iyo daacadnimo

Sidoo kale si aanu ardayda u dareensiino jacaylka bulshadoodu qabto waxaanu caawa kulan isugu jira Casho sharaf, dardaaran iyo duco uugu qabanay hotelka City Plaza ee Burco

Aqoonyahan walba oo goobta fadhiyey ayaad indhiiisa ka akhrisanaysay sida haboon ee aqoon loogu soo hubeeyey iyo sida uu uugu faraxsan yahay xaqiijinta qayb kamida himiladii noloshiisa

Waan u hambalyeynayaa waalidkii idinku soo tabcay iyo macalimiintii hagar la’aanta wax idiin soo baray waxaanan idiin rajaynayaa mustaqbal iftiin badan

Hadii aad jeclaysato daawashada munaasbadan farxada badan fadlan riix halkan hoose: