Dawladda Somalia oo ka hadashay Baaqi ay beesha caalamka u dirsatay Somaliland

0
Saturday March 21, 2015 - 08:40:12 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Somalia oo ka hadashay Baaqi ay beesha caalamka u dirsatay Somaliland

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia Cabdisalaan Hadliye, ayaa Ka Hadlay dhawaaqii dhawaan Somaliland kasoo baxay ee salka ku hayey baahida loo qabo in wada-hadallada labada dhinac ee Fashilmay helaan Dhexdhexaadin caalami ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia Cabdisalaan Hadliye, ayaa Ka Hadlay dhawaaqii dhawaan Somaliland kasoo baxay ee salka ku hayey baahida loo qabo in wada-hadallada labada dhinac ee Fashilmay helaan Dhexdhexaadin caalami ah.

Wasiir Hadliye oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Somaliland, ayaa isagu soo dhaweeyey dhexdhexaadintaas ay Somaliland dalbatay, waxana uu intaas ku daray inaan dhibaato ku jirin wax kasta oo somalinimada isku keenay,

"wixii wale ee Somali la iskugu keeni karaayo waa muhiim, wixii wale ee lagu helayo caddaalad iyo dad soomaali oo isu yimaadda diyaar baanu u nahay.”ayuu yidhi Wasiir Hadliye.

Wasiirka oo u Warramayey Idaacadda VOA-da, ayaa hoosta ka xarriiqay in markii horeba ay jireen dad dhexdhexaadiyayaal ah oo aanay soomaalidu si gaar ah iskugu imanaynin, isagoo ogolaanshaha somaliland ee Wada-hadalka sii socoshadiisa ku tilmaamay mid muujinaysa inay diyaar u yihiin Heshiis la gaadho, waxana isagoo arrintaas ka Hadlaya uu yidhi,

"Haddii marba la ogolyahay wada-hadal waa aan heshiino, haddii dad walaalo ah oo dhibaato kala tirsanaya la kala dhex galo dhibaato kuma jirto, aniguna dhexgalkaas dhibaato uma arko, waayo nin iyo naagtii ayaaba la dhexgalaa.”

Hadalka wasiir Hadliye ayaa ka dambeeyey dhawaaq dhawaan kasoo yeedhay dhiggiisa arrimaha Dibadda Somaliland oo sheegay in wada-hadalladii dhawaan fashilmay kaliya ku furmi karaan marka beesha caalamku soo kala dhexgasho labada dhinac oo dhexdhexaadin ballaadhan la helo.