Aqoonyahan Jamal Ali Husein iyo Weftigiisii oo Beesha Awal Bari Qado sharaf ugu samaysay Hotelka ABCO ee magaalada Burco.

0
Friday February 07, 2014 - 18:57:56 in by Super Admin
  • Visits: 1210
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Aqoonyahan Jamal Ali Husein iyo Weftigiisii oo Beesha Awal Bari Qado sharaf ugu samaysay Hotelka ABCO ee magaalada Burco.

    Munaasibaddan qado sharafta ahayd ayay ka soo qaybgaleen Odayaasha, Waxgaradka, Aqoonyahanka, Ganacsatada iyo Dhalinyaradan Beesha Awal Bari.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasibaddan qado sharafta ahayd ayay ka soo qaybgaleen Odayaasha, Waxgaradka, Aqoonyahanka, Ganacsatada iyo Dhalinyaradan Beesha Awal Bari.

Aqoonyahan Jamal Ali Husein iyo Weftigiisii oo Beesha Awal Bari Qado sharaf ugu samaysay Hotelka ABCO ee magaalada Burco.

Munaasibaddan qado sharafta ahayd ayay ka soo qaybgaleen Odayaasha, Waxgaradka, Aqoonyahanka, Ganacsatada iyo Dhalinyaradan Beesha Awal Bari.

waxana ugu horayn ba markii la qadeeyey kadib Munasibadda ka hadlay Gudoomiyaha Besha Awal Bari Axmed Nur Shire oo ku dheeraday muhimada ay uqabteen munasibadan iyo waliba taageerada ay u hayaan beel ahaan Xisbiga mucaradka ee Ucid, isaga oo Gudoomiyuhu hadalka siwata waxa uu sheegay in Xisbiga Mucaradka ah ee Ucid u yahay mid u bahan tageero isugu jirta muruq iyo maalba Gudomiyuhu waxa uu ka hadlay in markasta lagu dadaalo nabada oo ah buu yadhi taan ku gaadhanay hormarka iyo wada nolashaha .

Waxa iyaguna munasibaddasi Qado sharafta ka hadlay xoghayaha arimaha xuquuqul insaanka ee Xisbiga mucaradka ee Ucid Xuseen Xasan Badmaax iyo Maxmed Axmed Diriye oo ah xubin kamid ah Gudida fulinta ee Xisbiga Ucid waxayna ku dheeradeen Xisbiga mucaradka ee Ucid qorshaha ay kakaga duwan tahay Xisbiyada kale waxana ay shegeen in ay tabayeen Besha Awal Bari ugana bahan yahiin tageero waxayna masuliyiintani canaan kulul dusha uu uga tuureen xukumada oo ay ku shegeen in ay tahay mid milatariya iyaga oo sheegayna in saddaxda Xisbi Qaran ee ka jira Dalka in ay ku jogaan cod shacab oo dalkana lowada siman yahay.

Waxa iyaguna munasibadan ka hadlay oday Cali Jiir iyo suldaan Sayid aw Jamac oo sheegay in ay markasta soo dhawaynayaan Xisbiga mucaradka ee Ucid uguna baaqay in aay markasta ka shaqeeyaan wanaga iyo hormarka dadka waxa kale oo ay shegeen in xukumadu ka dheeraysay shaqadadii loo doortay oo ay marayso bay yidhaahdeen in ay u awood sheegato Xisbiyada la midka , Oday Cali jiir oo ka mid ahaan jirey xisbiga kulmiye muddo dheer ayaa yidhi "anigu hada laga bilabo waxaan ahay Xisbiga Ucid waxa aan ku jiray Xisbiga kulmiye isaga oo uu musharax ka yahay madaxwayane Axmed Silaanyo marka xukumadii talada dalka haysay ee Udub ayaa xabad nagu qabatay aniga iyo Silanyo markaa waxan leeyahay wixii aad Silaanyo marka ka cabadaysay inaad manta ku dhaqanto maha ee Xisbiga Ucidna tibaad ku wadaa” ayu yidhi oday cali jiir

Gabagabadi waxa munasibada Qado sharafta soo afmeeray musharaxa madaxwaynaha ee Xisbiga mucaradka ee Ucid mud Jamaal Ali Husen oo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in manta uu la kulmo Waxgaradkii iyo waayeelkii Gobolka ee beesha Awal bari, waxanu tilmaamay inu yahay xisbi mucaarid ah oo karaamo ku leh dasturka iyo qaranka ba, waxanu dhaliilay wuxu ku sheegay bah dilaad ay xukuumaddu ku waddo xisbiga UCID, Aqonyahan Jamal cali xuseen wuxu sheegay in marka ay iska aamusaan ee dhaliilaha xukumadda soo bandhigi waayaan laga so canaanto meel walba oo la yidhaa maxaa idinku dhacay, marka ay hadlaana la yidha u yar kaadiya ha waalina meeshee, waxanu xusay in haddii dalku mucaarid waayo , Dawladdu isu bedelayso Digtaytar.



Afkashacabka.com

Burco / Office