Daawo Sawirada :Naadiga Halkaraan Oo Xalay Madal Ballaadhan ku Soo Bandhigay Buug La Magac baxay Baaceed

0
Saturday March 21, 2015 - 09:26:55 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirada :Naadiga Halkaraan Oo Xalay Madal Ballaadhan ku Soo Bandhigay Buug La Magac baxay Baaceed

    Naadiga Halkaraan Oo Midooyinkii Ugu Danbaysay Soo Bandhigaayey Bugaag Faro Badan Ayaa Habeenkii Xalay Ahaa Soo Bandhigay Buug La Magac baxay Baaceed Oo Uu Qoray Abwaan Xasan Maxamuud Ibraahin (Xasan-burco)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Naadiga Halkaraan Oo Midooyinkii Ugu Danbaysay Soo Bandhigaayey Bugaag Faro Badan Ayaa Habeenkii Xalay Ahaa Soo Bandhigay Buug La Magac baxay Baaceed Oo Uu Qoray Abwaan Xasan Maxamuud Ibraahin (Xasan-burco)

 

Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Halkaraan ayaa Xalay Bandhig Ballaadhan kuDaah furay Buug si weyn loogu lafa guray Naxwaha Af ku hadalka Soomaaliga oo la yidhaa BAACEED, Buugaasii oo uu qoray Qoraaga weyn ee Reer Togdheer Xasan Burco.

Munasibaddii Daah furka Buuggaasi waxa ka soo qaybgalay, inta badan haldoorka Dhalinta Togdheer, Ardayda jamacadaha, Macalimiin iyo masuliyiin kale, waxana halkaasi Hadalo kooban oo dhiirigelin ah ka soo jeediyey Guddomiyaha Naadiga Halkaraan Bashiir Raacdeeyey, Gudomiyaha Burco Printing Center Yaasiin Maxamed, Guddomiyaha Ururka AKMO Cabdiqadir Casayr, Macalin Cabdixakin Muse iyo Weriy Cabdimalik Muse coldoon, Dhammantood waxay soo dhoweeyeen Daahfurkan Buuggan muhiimka u ah Dadka Afsoomaaliga ku hadla ee afsoomaligii ka sii dhammaanayo, iyagoo qoraaga ku ammaanay Qorista Buuggan, waxayna Tilmaameen in Buuggani ka mid yahay Buugaagta Dhifka ah ee laga helayo Luuqadeena soomaliga isla markaasna haddii uu wada gaadho dadka afsoomaliga ku hadla wax badan tari doona, ereyo badan iyo hadalo badan oo ay u la’aayeen afsoomalina ay ka heli doonaan Buuggani.

Sahra Ayaan Jamac Xaydle oo isku xidhaysay Qoraaga Buuga iyo Martidii Munasibadda ka soo qaybgashay ayaa sharaxday Qodobada Buuggani ka kooban yahay, Waxyaabaha Mucda ah ee uu ka hadlayo, Taariikhda Qoraaga iyo Weliba Muhiimadda Buuggan, Waxana Intaas kadib ay su’aalo ka waydiisay Qoraaga Buuggiisa, kuwaasoo ay ugu horeyso Magaca Buugga oo dad badan oo madasha joogay Fahmi waayeen.

Qoraa Xasan Burco ayaa si waafiya u sharaxay Magacaasi iyo weliba Waxyaabo Badan oo ka mid ah Xogta iyo Cilmiga ku duugan Buuggaasi, waxanu mid mid isu dultaagay Qodobada uu Buuggani uu ka kooban yahay , sido kale wuxu sharaxay muddada uu ku qaatay Qorista Buuggani iyo caqabadihii uu kala kulmay muddadi uu qorayey.

Gebogabadii Waxa Halkaasi Su’aalo ku waydiiyey Xubno ka mida Dadkii Munasibadda ka soo qayblay, iyadoo Qoraago si waafiga uga jawaabay su’aalahaasi, iyadoo intaas kadibna uu naadiga Halkaraan Guddoonsiiyey Qoraaga Shahaado sharaf uu ku maamuusay isla markaasna uu ku mutaystay Dedaalka dheer ee uu galay Bandhiga Buugaasii Muhiimadda gaarka ah u leh dadka ku hadla afka soomaaliga.































Burco/Office
Contact@afkashacabka.com