Ururka Tabantaabo Oo Socdaal Ay Ugu Kuur Galayaan Dhinacyada Caafimaadka, Waxbarashada Iyo Wacyigelin ugu baxay Degmada Sabo wanaag

0
Saturday March 21, 2015 - 23:16:15 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Tabantaabo Oo Socdaal Ay Ugu Kuur Galayaan Dhinacyada Caafimaadka, Waxbarashada Iyo Wacyigelin ugu baxay Degmada Sabo wanaag

    Ururka tabantaabo voluntary org,ayaa safar laba cisho qaatay ugu ambabaxay degmada sabawanag ee gobolka maroodijeex,safarkaas oo uu hogaaminayay gudoomiyaha ururka sakariye axmed xasan iyo xubnaha ururka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka tabantaabo voluntary org,ayaa safar laba cisho qaatay ugu ambabaxay degmada sabawanag ee gobolka maroodijeex,safarkaas oo uu hogaaminayay gudoomiyaha ururka sakariye axmed xasan iyo xubnaha ururka


waxaa kaloo safarkaas ka mid ahaa xubno ka tirsan garabka culimada ee ururka ,Ayaa ujeedada safarkaas ay ahayd kormeer xaalada waxbarshada degmada,caafimaadka arimaha deegaanka iyo wacyigelin xaga diinta ah,ugu horaynba ururku wuxuu ku horeeyay xarunta boodhinka qoton halkaas oo ay waxbarashadu ka socotay isla markaasina ardayda iyo macalimiintuba ay halkaasi si wanagsan ugu soo dhaweeyay,intaasi kadib ururku wuxuu kormeer ku tagay dhamaan goobihii waxbarashada ee kale sida tuulada kaam gaas,balli ugaadh,xarunta degmada sabawanag,iyo tuulada diinqal.

Sidoo kale waxa uu ururku wacygelin balaadhan ka sameeyay degmada,iyadoo garabka culimada ururku ay halkaasi muxaadarooyin iyo wacdi diiniya u jeediyeen dadka degmada,inay ka fogaadaan dhamaan waxyaabaha aan wanagsanayn ee ay ka mid yihiin balwaduhu iyo inay caruurtooda ku tarbiyadeeyaan akhlaaqda wanagsan isla markaasina keenaan goobaha waxbarashada.

 

Ugu dambayn safarkaasi waxa uu ku soo dhamaaday jawi wanagsan iyadoo dhamaan waxbarashada ardayda iyo tayada ardayda la soo kormeermeeray,ayaa ururku ku soo noqday magaalada hargeisa.

Wabilahi tawfiiq

Xoghaya ururka:Cabdiwahaab cismaan toox

Abdiwahaab888@gmail.com