Guddoomiyihii Hore Ee Baanka Oo Maanta Xilkii Ku Wareejiyay Guddoomiyaha Cusub+Sawiro

0
Saturday March 21, 2015 - 23:17:38 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyihii Hore Ee Baanka Oo Maanta Xilkii Ku Wareejiyay Guddoomiyaha Cusub+Sawiro

    Guddoomiyihii Hore Ee Baanka Oo Maanta Xilkii Ku Wareejiyay Guddoomiyaha Cusub.Daawo Sawirada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyihii Hore Ee Baanka Oo Maanta Xilkii Ku Wareejiyay Guddoomiyaha Cusub.Daawo Sawirada.

Guddoomiyihii Hore ee Baanka Somaliland Cabdi Dirir Cabdi ayaa Maanta Xilkii Ku wareejiyay Guddoomiyaha Cusub ee loo soo magacaabay Baanka.



Munaasibadan oo ka dhacday huteelka Guleed Ee Magaalada Hargaysa ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiiro,XIldhibaan,Salaadiin iyo Marti sharaf Aadan u badan.

Agaasimaha Guud ee Baanka somaliland Cabdilaahi Xasan Aadan ayaa ka waramay Mar xaladihii kala duwanaa ee uu baanku soo maray iyo waxqabadka muuqda eek u tilaabsaday oo ku tilmaamay mid ka yimid shaqaalaha iyo gudoomiyaha baanka oo isku xidhan.



waxa uu sheegay inuu xilku meerto yahay cabdi Dirirna Baanka soo gaadhsiiyay Horumar Buuxa oo lagu xasuusan Doono waxaana uu yidhi.

 

"Guddoomiyaha Baanka hawlo badan ayaanu soowada qabanay oo ay ka mid ahayeen in lacagta somaliland lagu fidiyo dalka oo dhan barina lagaadhsiiyo,maanta waynu sabootinaynaa,maanta xil wareejinta baanku waa tariikh,xilalka ilaa intii ay jirtay somaliland wuu isasoo badalayay maalinbana nin ayaa xilka haya qofna madawa dhameeyo ee ninba in ayuu gaadhsiiyaa,rag waxa ay baanka ka soo qaadeen in ay u sameeyaan xarumaha uu maanta gobolada kuwada leeyahay iyo kan hargaysaba ragna in ay lacagta kordhiyaan baanka.



intaas waxa uu raaciyay agaasimahu Guud ee Baanku Cabdilaahi Xasan Aadan.”Maalinba nin ayaa xilka haya maanta aniga oo ku hadlaya afkii shaqaalaha ee baanka waxaanu sabootinaynaa guddoomihii hore baanka oo ahaa nin shaqo wacan ooh awl kar ah,waxaanan soo dhawaynaynaa guddoomiyaha cusub oo Aanu leenahay xilka aad hayso ilaahay hagu asturo halkii keenay cabdi dirir adna kasii qaad uun.

Guddoomiye ku xigeenka baanka somaliland Cumar yuusuf Buux oo isna halkaasi ka hadlay ayaa guddoomiyihi hore ku Amaanay inuu Am shaqsi shaqo wanaagsan jeclaana markasta inuu ladagaalamo sixir bararka lacagta somaliland gaadhsiiyo meel Aanay gaadhsiin ragii ka horeeyay.



"waa xil wareejin hore u dhacday hadana dhacaysaa awal horena soo dhici jirtay,xilku waa meerto ayaa layidhi,intii uu xilka hayay cabdi dirir naguna hogaaminayay waxa ka mid ahaa inuu noo dhameeyay xeerkii lagu hagi lahaa Baanka oo Golaha baarlamanku ansixiyay madaxwayne siilaanyana dhaqan galiyay,waxa isna Noo dhamaaday xeerkii Bananka Ganacsiga ee islaamka,lakiin wali waxa hadhsan xeerkii bananka reer galbeedka oo hor yaala golaha baarlamanka,waxa isna aanu dhamaynay xeerka maydhista lacagta wuuna naga soo gudbay isaga iyo xeerkii xawaaladuhu.



Mustafe cisman Geele oo ku hadlayay Afka Shirkada Sharaabka ee SBI,guddoomiyaha Shirkada Xawaaladaha Lacagta,Siciid Maxamed cali oo isna ku hadlayay afka Shirkada Dahabshiil Bank iyo Maxamed ibraahin oo isna ku hadlayay afka Baanka Salaam ayaa dhamaantood sheegay in Ay wada shaqayn Buuxdaa dhex mari Jirtay Guddoomiyaha Baanka kan kalena Soo dhawaynayaan.

Guddoomiyaha Gudida Dhaqaalaha ee golaha wakiilada Xildhibaan Sanwayne,Wasiirka Wasaarada Qorshaynta iyo Wasiiru dawlaha Wasaarad Maaliyada Somaliland Saxardiid Cadaani ayaa iyagu sheegay in Ay lashaqayn doonaan guddoomiyaha cusub ee baanka iyaga oo iftiimiyay in isku badalka madaxwayne sameeyay yahay mid loogu talo galay in Lagu dardar galiyo hawlaha shaqo ee baanka somaliland.



Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee baanka somaliland Cabdi Dirir Cabdi ayaa isna Ka Maro kacay inuu xilku meerto yahay,waxaana uu ka warbixiyay inta lacag ah ee uu ku wareejiyay Maanta guddoomiyaha cusub ee baanka somaliland waxaana uu yidhi.

"Madaxwaynaha somaliland Ayaa cida uu doono xilka ka qaadayo cida uu doonana Saarayo Taasna waa astaanta dawlad-nimada,madaxwayne siilaanyana isaga ayaa waajibaakaas iska leh aadna waan ugu mahad naqayaa madaxwaynaha somaliland intii uu fursada ii siiyay inaan la shaqeeyo una adeego dalkayga iyo dadkayga waxaan leeyahay waad mahad santahy,baanka xilkiisan waxa la ii dhiibay sanadkii 2010kii,markaan xilkaas la wareegayna baanka lacag waxa taalay (Lix Bilayn oo somaliland Ah)iyo Saddex milayn iyo Sideed boqol oo kun,Maanta waxaan kaga tagayaa baanka lacag ah Sideed Milayn iyo badh Dollarka Maraykanka Ah iyo Boqol iyo Shan iyo Konto Bilayn oo Shilinka Somaliland Ah,Baankii Markii Aan la wareegayna macaa lacagtii mushaharka dawlada Ayaan sadex bilood lasiin.



intaas waxa uu raaciyay.”intiin Aan baanka joogay wax yaabo badan ayaa nooqab soomay waxaana ka mid ahaa lacagtii oo aanu ka badalnay Golada bariga oo ay ka mid yihiin burco iyo sanaag oo dalkana intiisa kale kaga jiray godoom dhaqaale dalka intiisa kalena aan lahayn macaamiil madaama oo aanay isku lacag ahayn.



Guddoomiyaha Cusub ee Baanka somaliland Cabdilaahi Xaaji Jaamac Cali oo isna munaasibada ka hadlay ayaa dadkii munaasibada xil wareejinta ka soo qayb galay ka codsaday in ay ilaahay uga baryaan inuu xilkaas la garab galo shaqaalah waxa uu u soo jeediyay in ay shaqada u hayaan bulshada u gabar baxaan.


Contact@afkashacabka.com