Waqooyiga Kuuriya Oo Si Adag Ugu Hanjabay Inay Isticmaalayso Hubka Niyukliyeerka.

0
Saturday March 21, 2015 - 23:40:47 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waqooyiga Kuuriya Oo Si Adag Ugu Hanjabay Inay Isticmaalayso Hubka Niyukliyeerka.

    Dawladda Waqooyi Kuuriya ayaa sheegay in dalkeedu uu haysto hubka Niyukliyerka uuna diyaar u yahay inuu isticmaalo waqti walba.Safiirka u fadhiya Waqooyi Kuuriya dalka Britain Hyun Hak Bong ayaa ku sheegay wareysi uu Jimcihii siiyay Telefeeshinka Sky

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Waqooyi Kuuriya ayaa sheegay in dalkeedu uu haysto hubka Niyukliyerka uuna diyaar u yahay inuu isticmaalo waqti walba.Safiirka u fadhiya Waqooyi Kuuriya dalka Britain Hyun Hak Bong ayaa ku sheegay wareysi uu Jimcihii siiyay Telefeeshinka Sky News, in dawladiisu ay isticmali doonto hubka wax gumaada haddii uu Maraykanku weerar Niyukliyer ah ku soo qaado.


"Ma aha dawladda Maraykanka oo kaliya tan awood u leh isticmaalka hubka Niyukliyerka,”ayuu Hyun u sheegay Sky. Mar la weydiiyay in taasi ay micnaheedu tahay in Waqoyiga Kuuriya uu diyaar u yahay in uu isticmaalo gantaalada Niyukliyerka waxa uu ku jawaabay. "Waqi walba,waqti walba, haa.”

"Haddii Maraykanku uu na soo duqeeyo annaguna waan u jawaabaynaa. Waxaan diyar u nahay haddii hub Niyukliyer ah nalagu soo duqeeyo annagana taa mid la mid ah inaanu sameyno. Balse ma dooneyno dagaal kamana cabsanayno dagaalka,”ayuu intaa ku sii daray.

Waqoyiga Kuuriya ayaa loo malaynayaa in ay haysato bambaanooyin xambaara Niyukliyerka waxana ay tijaabisay saddex jeer hubka Niyukliyerka tan iyo sanadkii 2006.

Afhayeenka Wasaarada arrimaha dibada Maraykanka ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo warkan ka soo baxay Waqoyiga Kuuriya, Balse mar la weydiiyay in Waqoyiga Kuuriya ay awood u leedahay in ay isticmaasho hubka Niyukliyerka ayaa waxa uu ku jawaabay in dowladiisu ay diyaar u tahay in ay iska daafacdo wax walba oo ay dowlada Waqoyiga Kuuriya isticmaasho.





Contact@afkashacabka.com