Ciidamada Booliska Caasimadda oo Xabsiga Dhigay Saleeban Xuquuq iyo sababaha Xadhigiisa

0
Sunday March 22, 2015 - 09:52:45 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Booliska Caasimadda oo Xabsiga Dhigay Saleeban Xuquuq iyo sababaha Xadhigiisa

    Saleebaan Xuquuq oo aanu la xidhiidhnay ayaa xadhiggiisa ku eedeeyay Taliyaha saldhigga degmada Ibraahim Koodbuur

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saleebaan Xuquuq oo aanu la xidhiidhnay ayaa xadhiggiisa ku eedeeyay Taliyaha saldhigga degmada Ibraahim Koodbuur

Ciidamada ammaanka ayaa saaka xabsiga u taxaabay Saleebaan Ismaaciil Bullaale (Saleebaan Xuquuq) oo ka mid ah difaacayaasha xuquuqda aadamaha Geeska Afrika ee HORNWATCH.

Ilaa hadda lama oga sababta rasmiga ah ee loo xidhay Saleebaan Xuquuq, hasa-yeeshee isaga oo damiin lagu siidaayay ayaa bogga uu ku leeyahay Facebook ku baahiyey in boolisku ay gurigiisa ugu yimaaddeen isla-markaana ay xidheen.

Saleebaan Xuquuq oo aanu la xidhiidhnay ayaa xadhiggiisa ku eedeeyay Taliyaha saldhigga degmada Ibraahim Koodbuur ee Magaalada Hargeysa, Kaptan Cabdisalaan Diinqale. Waxana Qoraalka uu Boggiisa Facebook soo dhigay ku yidhi Sidan: 


Maanta abaaro 9 subaxnimo ayaa Policeka Somaliland xabsiga u taxaabeen Mr. Suleiman Ismail Bolaleh,Saleban Xuquuq Gudoomiyaha gudida Ilaalada xuquuqda aadamiga Geeska Afrika, HORNWATCH.

Xadhiga Gudoomiyaha HORNWATCH ayaa waxa uu ka danbeeyay kadib markii uu baryihii ugu dambeeyay uu tooshka ku ifinayay fadeexado Musuqmaasuq oo ay si toos ah ugu lug leeyihiin ciidanka Booliska ee loogu talogalay la dagaalanka Mukhaadaraadka Khamriga iyo Xashiishada.

HORNWATCH ayaa xiriir ka dhaxaysiisay kor u kaca isticmaalka dhalinta Somalialnd ee xashiishada iyo Khamriga iyo kor u kaca ganacsiga Xashiishada in ay u sabab tahay musuqmaasuq xaddhaaf ah oo ka dhex jira Ciidanka Booliska Somaliland

Sidoo kale Suleiman Xuquuq waxa uu farta ku fiiqay fadeexad kale oo musuqmaasuq oo ay ku lug lahaayeen Duqa Caasimada oo Wado ka mid ah wadooyinka caasimada oo guryo dhis ah oo muwaadiniini leedahay hor marta kaliya qabyaalad ku siiyay Talihaya Saldhiga Koodbuur Diinqale si uu baloodho uga dhigto.

Xadhiga Booliska Somaliland uu ila bartilmaameedsanayo aniga iyo caruurtayda waa aargoosi ku salaysan maxaad u sheegaysaa Musuqmaasuqa aanu ku lug leenahay.

Dacwad dhawr bilood ka hor aan u gudbiyay saldhiga koodbuur oo aan 3 marag geeyay taasi oo aan kaga dacwooonayay Mulkiilaha Hotelka fisqiga iyo mukhaadaraadka lagu faafiyo ee Crown iyo Cabdiraxman oo ah maamulaha Crown. dacwadaydii 20 maalmood ka dib ayay igu yiraahdeen waxba waad cadayn kari wayday 3 marag ee ay yiraahdeen waxba may furin waxay diyaar u yihiin in ay maxkamad kasta horteeda kaga dhaartaan kitaabka quraanka kariimka ah dambiyada Maamulka iyo Mulkiilaha Crown ay iga galeen aniga iyo wiil aan dhalay.

Nasiibdaro cid Maxkamad isku kaaya gaysa waayay, Booliskiina Looyaro u noqde.

Xadgudubkaasi Taliyaha Booliska Fadal waan ka wargaliyay.

Maanta Boolisku waxa uu igu xiray sida uu diinqale ii sheegay kadib markaan sharci daro ugu xiraa 3 saacadood saldhiga koodbuur in Crown i soo dacweeyay wiil ka mid ah caruurtayda, sidaa awgeed ayuu Diinqale yiri waxad xoriyadaadii heli doontaa markaad keento wiilkaagii.

Sarkaalkii Policka ahaa ee saaka guriga iigu yimid waxa uu ii sheegay in uu doonayo wiil aan dhalay si uu wax uga waydiiyo labo dhalinyaro ah oo kaalinta indhobirta agteeda isku laayay, kadibna mobil uu ka dhacay midkood lana waayay mobilkii maadaama wiilka aad dhashay uu meesha joogaybal inuu arkayay cidii qaaday ayaan waydiinayaa.