DAACISH Oo Ugu Baaqday Tageerayaashooda Ku Nool Maraykanka Inay Dilaan In Ka Badan Boqol Askri.

0
Sunday March 22, 2015 - 10:06:32 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAACISH Oo Ugu Baaqday Tageerayaashooda Ku Nool Maraykanka Inay Dilaan In Ka Badan Boqol Askri.

    Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka ayaa baadhaysa hanjabaada dhinaca Internet-ka oo ay Kooxda Daacish (IS) ugu jeedisay ilaa boqol askari ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka ayaa baadhaysa hanjabaada dhinaca Internet-ka oo ay Kooxda Daacish (IS) ugu jeedisay ilaa boqol askari ..

ka tirsan Milateriga Mareykanka, kuwaasoo ka qeyb qaatay weeraradii cirka ahaa ee Mareykanka ka fuliyay wadamada Suuriya iyo Ciraaq.

 

Magacyada, sawirada iyo cinwaanada dadkan ayaa la soo dhigay bar internet oo xiriir la leh Daacish, waxaana loogu baaqayay taageerayaasha Daacish ee ku sugan mareykanka inay dilaan dadkaas oo isugu jira ragg iyo dumar.

Koox ka tirsan Daacish oo baraha Internet-ka wax ku xada ayaa sheegay in magacyada iyo macluumaadka dadkan ay kala baxday computer ay lahaayeen saraakiisha difaaca Mareykanka. Sarkaal ka tirsan Milateriga Mareykanka ayaa sheegay in dhamaan dadka liiskaas ku soo baxay mid mid loola xiriiray, isla markaana lagula taliyay inay xaaladooda la socdaan, kadib hanjabaada ka soo yeertay Daacish.

Kooxda ka tirsan Daacish ee u qaabilsan qeybta Internet-ka jebisa ayaa sheegtay in dadkan ay ka qeyb qaateen howl galada Mareykanka ee ka dhanka ah dowladda Islaamiga ah. Tan iyo bishii September ee sanadkii hore ayaa Mareykanka iyo isbaheysiga uu hogaaminayo waxay qaadeen weeraro cirka ah oo ka dhanka ah dowladda Islaamiga, gaar ahaan dhulka ballaaran ee ay ka maamulaan wadamada Suuriya iyo Ciraaq.