Kooxda Tottenham oo Hogaan Horyaalka si Toosa Ula Wareegey Galabta iyo Macalinka Kooxda Liverpool Rodgers oo ka hadlay Guushii ay ka Gaadheen kooxdasi
Tababaraha kooxda Liverpool Brendan Rodgers ayaa ka hadlay guushii ay ka gaareen kooxda Tottenham oo marti u aheed iyo waliba hogaanka horyaalka ingiriiska oo markale gacantooda ku soo laabtay.
Rodgers oo saxaafada la hadlay ciyaarta kadib ayaa yiri "Qaab ciyaareed kii aan lasoo baxnay bilowgii ciyaarta wuxuu ahaa mid cajiib ah, waxaana ula ciyaarnay si kalsooni buuxdo ay ku jirto Tottenham oo haysta dhawr ciyaartoyda oo halis ah kuwaas oo aan u rajaynayo iyaga iyo tababare hooda Tim Sherwood horumar kulamada soo socda”."Waxaan gaarnay guul 8 kulan oo isku xigta, waan ku raaxaysanaynaa guulahaan aan gaarnay, lakiin waxaa na hor yaala kulan adag oo aan laciyaari doono West Ham isbuuca soo socda, waana inaan si wanaagsan isugu diyaarinaa”.
"Taageerayaasha waxay ku riyoonayaan in Liverpool ay ku guulaysato Premier League xili ciyaareed kan kaas oo ay inbadan sugayeen, lakiin anigu iskuma mashquulinayo midaas, kaliya waxaan isugu gayn doonaa awoodayda sidii aan ugu diyaar garoobi lahayn kulanka soo socda”.
Kala soco Wararka Cayaaraha Afkashacabka.com
Contact@afkashacabka.com