Xaafado Ka Mid Ah Hargaysa Oo Muddo Dhowr Maalmood ah Dab La'a Iyo Masuuliyiinta Haayada Korontada Oo Ka Hadlay Sababta

0
Monday March 31, 2014 - 15:01:31 in by Super Admin
  • Visits: 772
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaafado Ka Mid Ah Hargaysa Oo Muddo Dhowr Maalmood ah Dab La'a Iyo Masuuliyiinta Haayada Korontada Oo Ka Hadlay Sababta

    Mareeye Ku Xiggeenka Wakaalada Dabka Ee Magaalada Hargaysa Ayaa Faah-faahin Ka Bixiyey Dab La,aan La Soo Daristay Xaafado Ka Mid Ah Magaalada Hargaysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mareeye Ku Xiggeenka Wakaalada Dabka Ee Magaalada Hargaysa Ayaa Faah-faahin Ka Bixiyey Dab La,aan La Soo Daristay Xaafado Ka Mid Ah Magaalada Hargaysa.

Xaafado Ka Mid Ah Hargaysa Oo Muddo Dhowr Maalmood ah Dab La'a Iyo Masuuliyiinta Haayada Korontada Oo Ka Hadlay Sababta

Mareeye Ku Xiggeenka Wakaalada Dabka Ee Magaalada Hargaysa Ayaa Faah-faahin Ka Bixiyey Dab La,aan La Soo Daristay Xaafado Ka Mid Ah Magaalada Hargaysa.

Maareeye Ku Xiggeenka Wakaalada Dabka Ee Hargaysa C/laahi Yuusuf Cilmi Oo Warbaahinta Kula Hadlayey Caasimada Hargaysa  Ayaa Xusay In Ay Cilada Ku Timi Qaar Ka Mid Ah Mishiinada Dab Dhaliyayaasha Ah Isla Markaana Hadda Gacanta Lagu Hayo Cilad Saaridoodii .

Waxaana Isaga Oo Arintaa Sharaxaya Uu Yidhi:-" Habeenadan Oo Aad U Kooban Laydhka Ayaa Bakh Bakhtiyey, Manuu Wada Bakhtiyin Ee Saacado Kooban Ayey Qaybi Bakhtiisnayd, Wax Walba Bina Aadan  Ayaa Sameeyey Ciladina Way Iman Kartaa.”

Maareeye Ku Xiggeenku Isagoo Ka Hadlaya Cilada Dhabta Ah Ee Haleesshay Mishiin Ayaa Waxa Uu Yidhi "Hal Mishiin Ayey Ciladi Ku Timid Kaas Oo Aanu Wadnay Xalkiisa, Labana Imika Way Shidan Yihiin Oo Culayskii Magaalada Ayey Qaadi Kari Waayeen Dabadeedna Waxaanu Samaynay In Saacado Kooban Laga Jaro Qayb Ahaan, Waxaanay Muhiimadu Tahay In Caawa Ilaa Habeen Danbe Uu Laydhkii Bixi Doono, Mishiinkiina Xalkiisa Lagu Jiro.” Ayuu Yidhi Maareeye Ku Xigeenka Wakaalada Korontada Hargeysa.

Isaga Oo Ka Hadlaya Halka Laga Helayo Qalabka Lagu Dayactirayo Mishiin Xumaaday Ayaa Yidhi"Mishiinkani Waa Mid Uu Sameeyey Wadanka Jarmalku Qalabkiisiina Meesha Ayuu Wada Yaalaa Wax Dalka Gudihiisa Iyo Debadiisa Looga Doonayaana Ma Jirto, Istoodhka Warshada Ayey Ku Xaraysan Tahay Alaabadiisii Farsamayaqaanadii Ayaana Imika Gacanta Ku Haya Ugu Danbaynta Galabta Ama Caawa  Ayaa La Dhamayn Doontaa, Waxaanan Filaynaa Inuu Laydhku Caawa Baxo Ugu Danbayna Bari Subaxa.”

Sidoo Kale Maareeye Ku Xigeenka Wakaalada Korontadu Waxa Uu Sheegay Inay Qorshe Ka Lahaayeen Haddii Ay Ciladu Ku Timaado Mid Ka Mid Ah Mishiinada Laydhku  Waxaanu Yidhi "Qorshe Ayaanu Leenahay  Waxaana Noo Yaalay Laba Mishiin Ayaa Qalabkoodii Maqnaa Waxaanay Ahayd Inuu Qalabkaasi Yimaado Bisha Hada Dhamaanaysa Bilawgeedii Oo Ay Wakhtigan Oo Kale Shaqada Qabtaan, Wax Walibana Way Dhici Karaan Wax Aad Ugu Tala Gashay Xili Ayaan Qabsoomayn, Qadarka Ilaahay Ayaa Keenay In Qalabkaasi Dib U Dhaco.”

Ugu Dambayn Waxa Uu Maareeye Ku Xigeenku Fariin U Diray Macaamiishood Uu U Soo Jeedieyey In Ay Dulqaad Muujiyaan Mudda Ay Dhamaystiraan Hawsha Cilad Saarka"Dadweynaha Waxaanu Ka Raali Gelinaynaa Ciladaas Ku Timid Mishiinada, Waxaanan Leenahay Ciladu Way Dhici Kartaa Samirkiinuna Waa Muhiin Anaguna Inaanu Ku Dhakhsano Oo Aanu Xalinaa Waa Muhiim, Waxaanan Leenahay Nagu Sima Inta Aanu Gacanta Ku Hayno Xalka Mishiinkaas Bakhtiyey.”





Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com