Daawo Video: Xisbiga Mucaaradka Ah ee WADANI oo Cambaareyey Talaabadda Xukumaddu Shaqada kaga joojisay Dr.Cali Macaw

0
Monday March 31, 2014 - 15:42:37 in by Super Admin
  • Visits: 985
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Video: Xisbiga Mucaaradka Ah ee WADANI oo Cambaareyey Talaabadda Xukumaddu Shaqada kaga joojisay Dr.Cali Macaw

    Masuliyiinta Xisbiga Wadani ayaa sheegay in xukuumaddu aanay Eegin Dadka Kumanaanka ah ee Hudheeladii Hargeysa Buuxiyey una yimi Dakhtarkaas balse dano ugaar ah ay eegtay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuliyiinta Xisbiga Wadani ayaa sheegay in xukuumaddu aanay Eegin Dadka Kumanaanka ah ee Hudheeladii Hargeysa Buuxiyey una yimi Dakhtarkaas balse dano ugaar ah ay eegtay

Dhinaca Kalena Masuuliyiin ka Mid Ah Wakiilada Dr Macaw ayaa maanta shirjaraa’id oo ay iyaguna ku qabteen Magaalada Hargaysa ku edeeyey wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka somaliland iyo Ururka Mih-Nadlayaasha Caafimaadka in ay Sifo Qaldan uga hor joog sadeen Dr Macaw inuu hawlahiisa shaqo ka bilaabo magaalada hargaysa.

Waxa ay shegeen in Wasiirak Caafimaadka somaliland siiyey waraaq cadaynaysa inuu hawlahiisa caafimaad ka bilaabo magaalada hargaysa balse wasiir ku xigeenka Caafimaadku si badheedh uga horjoogsaday.

Waxa ay baaq udireen Madaxwaynaha somaliland iyagu ku booriyey inaan la siyaasadayn arimaha caafimaadka waxaana shegeen in wasiir ku xigeenku doonayo inuu digtoor macaw badhitaankiisa ka bilaabo Dakhtarka Man-hal Isla markaas uu halkaasi ka yimid is afgaran waagu.

Waxa ay Wasiir ku xigeenka ku shegeen inuu digtoor Macaw ku tilmaamay mid tuuk ah isla markaas wasiir ku xigeenka loogta fadhiyo halka uu tuug ku ahaa.

 

Itisaar Maxamed Cali Qoys oo ah guddoomiyaha wakiilada Dr Macaw oo ugu hore halkaasi ka hadashay ayaa waxa ay sheegay in ogolaan shihii uu siiyey wasiirka caafimaadka somaliland laga hor istaagay waxaana ay hadalkeeda ku bilawday sidan.

"Waxaan ogaysiinayaa dhamaan dadkii aanu ka balan qaadnay inaanu caafimaad casriyo siinayno inaanu hawshii aanu wadnay anag oo ogolaansho ka haysana jamuuriyada somaliland gaaro ahaan wasaarada caafimaadka somaliland siiba wasiirka caafimaad somaliland inaanu mudo bil ah kaga hawl galno wadanka am saddex wiig ah ogolaan shahayagii waa la hor istaagay shuruudiihii lanaga doonayey waanu buuxinay Dr Cali Macaw hadaanu ahayn Digtoor waxaan odhan lahaa anigu wax ka markhaatiya Googalka.

Dhanka kale waxa ay sheegtay dadwaynahii ay diwaan galiyeen ee la doonayey inuu baadhitaanka ku sameeyey in loo celin doonon lacagtooda waxaana ay tidhi”Waxaanu u sheegaynaa dadwaynahii la duwaan galiyey ee aanu doonayne inaanu diwaan galiyo am dadkii meelaha fog-fog ka yimid inaanu galabta wixii ka bilaabma ilaa bari inaanu lacagtooda u celino Doono.

Sidoo kale waxa ay fariin u dirtay xukuumada iyo wasiirka wasaarada caafimaadka somaliland taas oo sheegtay inay arintaas ka fiirsadaan caafimaadka umada loo samaynayana aan siyaasada lasoo dhexe galin waxaana ay tidhi”waxaan ka codsanayaa xukuumada somaliland ee uu hogaaminayo Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo in ay arinta digtoorka ku dhacday ay dib ugu noqoto waxaan leeyaha hadii la tixgalin waayey waraaqda uu qoray wasiirka caafimaadku ee ogolaashaha ku siiyey digtoor Macawo,lakiin markii aanu nimi dalka ayuunbaa nala qabsaday intii kel waakii xayaysiiku socda mudda bisha ku simane ee maxaa markaas loo odhan waayey iska jooga.

Waxa ay sheegay in waxa laga xumaado ay tahay in digtoorkii oo kasoo dagay diyaarada isla markiiba diyaarada kale oo xamar tagaysa la saaro waan ay sheegtay inuu arinkaasi waji gabax ku noqon karto xukuumada siilaanyo ee Beesha caalamka ka raadinaysa Aqoonsiga waxaana tidhi”Ta kaliye ee aanu la kulanay waxa weeyaan digtoorkii oo kasoo dagay madaarka hargaysa isla markiiba hadana lagu yidhi ma digtoor macaw ayaad tahay markii uu yidhi haa lagu yidhi fuul diyaarada tagaysa magaalada muqdisho ee wadanka somaliya isla markaas qirin qiir la galiyey oo lagu yidhi masoo gali kartid wadanka somaliland,hadana waxa lagu yidhi miyaad haysataan waraaq ogolaasho ah oo ay idin siiyey wasaarada caafimaadku waxaanu nidhi haa waxaanu kusoo dagnay huteel ka dibna waxaanu is nidhi waxaad baadhitaanka ka bilawdaan xabiiba xanaan isla markiibana waxa lana dul keenay ciidan hawshiina halkaas ayaa lagu joojiyey kolay waxaan odhan lahaa dhakhaatiir badani wadanka ayey joogaan kuwaas Iyana waxa loo celin waayey ee digtoor macaw tusay waa su’aal is waydiin mudane waxaanan soo jeedin lahaa in xukuumada arinkaas wax ka qabato.

Gabo-gabadii waxa isna halkaasi ka hadlay Siciid Axmed Xaaji Qulunbe oo isna ka mid masuuliyiinta wakiilka u ahaa Dr Macow waxaana uu sheegay kumiishanka mih-nadlayaasha caafimaadka uu Dr Macaw Ku Tilmaamay mid tuuk ah siiba guddoomiyaha waxaana uu yidhi”kumiishanka isku xilsaaray in dhakhaatiirta inaga eego ka yimaad wadamada dibada waxa ay nagu tidhi Dr Macaw Waa Tuug mana iman karo wadanka aniga Ayaan u diiday waxa ay ii cadayse in ay iyadu ahayd tii markii hore doonayse in ay keento maantana ay tidhi ma iman karo waxaan ku yidhi miyaad xafiis dawladeed joogin ka halkan ku saxeexani maanu ahayn wasiirkaagii waxa ay af buuxa iigu jawaabta,anaga oo waraaqdaas cadayn ah ee wasiirka caafimaa somaliland nasiiyey ayaa ay nagu yidhaaheen dadkaas iyo digtoorkuba namay soo marin waan u tagnay waxaanu tusnay inaanu waraaq cadayn ah haysano waxa ay noogu jaawabta nin kani waa tuuk dalka somaliland masoo cago dhigan karo.

Waxa uu intaasi raaciyey Siciid Axmed Xaaji Qulunbe in ay digtoorka u dhigtay madaarka hargaysa waraaq ah inaanu kasoo dagi Karin madaarka waxaana uu yidhi”Ninka layidhaa ina canbaro ee ah taliyaha laanta Socdaalka somaliland ayaa ku yidhi ninkii digtoorka ahaa oo kasoo dagay madaarka hargaysa digtoor macow ma adig ayaa waxa uu yidhi haa waa la qabtay diyaaradii xamar ku socotay ayaa la saaray anigu ma ogi in ay dawladu arinkaas ogtahay lakiin dawladii wax ka Awood waynaatay Mid isku sheegtay mih-nadlayaasha caafimaadka anigu waxaan odhan lahaa somalidu ceeshka iskamay hor istaagi jirin hadii digtoor macaw halkan kama shaqayn karo oo dhakhtar maahana waxa ay xukuumadu ku hadasho caalamka oo dhan waa lag akhrisan doonaa cisbitaalka man-hal ayaa waxan oo dhan wada kaas oo doonaya inuu dhakhtarkiisa ka bilaabo bidhataanka.

Sidoo kale waxauu wasiirada caafimaadka somaliland ku edeeyey in ay ka been abuurta Dr Macow Isla markaas ku tilmaamtay ninkaas hawsha u yimid mid dalxiis ah waxaana uu arinkaas ay wasiiradu ku kacday ku sheegay arin fool xumo oo qab-yaaladi ku jirto.

Dhanka kale waxa iyaguna walaac xoogan ka muujiyey dadwaynahii isku diwaan galiyey Dr Macaw oo ilaa toddobaadka gudihiisa ku meehanaabay dhakhatarkii uu baadhitaanka ka bilaabi lahaa Digtoorku waxaana ay shegeen in ay xukuumada aayn u danayey dadkii bukaan ahaa iyo kuwii jilicsana.

Waxa la filayaa inuu Digtoor macaw ku duuli doona maalmaha soo socda Magaalada Hargaysa isga ku wajahan magaalada Jigjiga ee Xarunta Dalka itoobiya oo uu ka bilaabi doono hawlahiisa caafimaad.






Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com