Hanti Dhawrka Guud Ee Qaranka Oo Galay Xafiiska Nashqadaynta Dhulka Iyo Masuuliyiinta Golaha Deegaanka Oo Dhabarka Jeediyay Kana muquurtay Xafiisydoodii.

0
Monday March 31, 2014 - 16:04:55 in by Super Admin
  • Visits: 871
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hanti Dhawrka Guud Ee Qaranka Oo Galay Xafiiska Nashqadaynta Dhulka Iyo Masuuliyiinta Golaha Deegaanka Oo Dhabarka Jeediyay Kana muquurtay Xafiisydoodii.

    Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka Maxamuud Dheere iyo Askar uu watay ayaa saaka galay xafiiska Nashqadaha Dawladda Hoose ee Hargeysa oo ka soo horjeeda Xafiiska Maayar ku-xigeenka,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka Maxamuud Dheere iyo Askar uu watay ayaa saaka galay xafiiska Nashqadaha Dawladda Hoose ee Hargeysa oo ka soo horjeeda Xafiiska Maayar ku-xigeenka,

waxaanu la kulmay iyadoo masuuliyiintii xafiiskaasi ka maqan yihiin, waxaanu ka noqday isaga oo aan wax talaabo ah qaadin.

Dad goob joog ahaa ayaa  sheegay in markii uu Hanti-dhawruhu soo galay xarunta Maayar ku-xigeenku ka gabaday, halka Maayarku hortii yar uun ka baxay xafiiskiisa, iyadoo guddoomiyaha guddida Dhulka ee Dawladda Hoose aanu shalay kaba soo xaadirin xarunta.

Hanti-dhawraha Guud waxa uu dhawaan galay Xafiiska Cashuuraka kala wareejinta ee Dawladda Hoose, halkaas oo uu ka kaxaystay masuulkii ugu sareeyey balse illaa hada lama oga baadhistii uu ku waday natiijada ka soo baxday.

Hase yeeshee talaabadan cusub ee uu shalay ku beegsaday xafiiska Dhulka ama Naqshadaha Dawladda Hoose ayaa u muuqda mid salka ku haysa Digreetooyinkii ay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo Wasiirka Hawlaha Guud ku mamnuucayeen bixinta, kala wareejinta iyo dhalan roga Hantida Dawladda iyo Dhulka Danta Guud, taasoo khilaaf xoog leh oo la qaboojiyey uu ku dhex maray dawladda Hoose iyo wasaaradda isla markaana shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen ku sheegay in ay Hoos u dhamaysanayaan qoddobada sharci ee ay isku hayaan.

Tan iyo wakhtigaasi labada dhinac soomay saarin natiijo sharci oo ay ku kala baxeen, waxaana sidoodii u socda awoodii ay isku hayeen oo aan wali fulin, maadaama dawladda Hoose ku doodayso in ay awood u leedahay dhulka ka baxsan shacbka, halka Hawlaha Guud ay kaga doodayaan in ay iyagu awood u leeyihiin dhulka Danta guud ee ka go’da beeraha.

Si kasta ha ahaatee, lama oga Hanti-dhawruhu in uu baadhistiisa sii wadi doono iyo in uu joojin doono, hase yeeshee talaabada uu shalay qaaday waxay u muuqatay mid diirka ka qaadaysa inaan wali la xaliyin khilaafkii Dawladda Hoose iyo Hawlaha Guud.





Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com