Abwaan ibraahin Xamari iyo maansadii qiil beena !!!

0
Monday March 31, 2014 - 17:18:47 in by Cerigabo Office
  • Visits: 2076
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Abwaan ibraahin Xamari iyo maansadii qiil beena !!!

    Qiso weeye yaab lee Bulshayahay qaloocdaa Ma ilaa qiyaamaha Ayaan qaad cunaynaa!!! ..... Qarnigaynu noolnahay Quruumaha aduun yadu Halka ay qiyaasteen Maxaa inaga qaafilay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qiso weeye yaab lee Bulshayahay qaloocdaa Ma ilaa qiyaamaha Ayaan qaad cunaynaa!!! ..... Qarnigaynu noolnahay Quruumaha aduun yadu Halka ay qiyaasteen Maxaa inaga qaafilay

Waxaan qaafka maansada

Qor qoraan diyaarshaan

Qodobkeeda sheegaba

Markaan qayilka taabtee

Qisadiisa sheegaa

Qirinqiir I cunayoo

Laywada qabsadayoo

Qadaf waxay ku sheegaan

Ayaa laygu qaadoo

Laygu wada qiraayoo

Waxaa laygu qoor xidhay

Qayilkuu duraayaa

 

Qarnigaynu noolnahay

Quruumaha aduun yadu

Halka ay qiyaasteen

Maxaa inaga qaafilay

 

Ma qabyaan dul joognaa

Ma qalwaan ku qanacnaa

Qaadiro kunooloow

Qareen kii iblayskoow

Qiilkaaga beentii

Qaayo yeelan maayee

Hana wada qisaasine

Qawlkaaga sii eeg

 

Anigiyo wixii qaba

Inuu yahay qadhmuun uu

Qarankeena dibu dhigay

 

Hadii aan qalaynaan

Qaadkaa ka hadalnaan

Qaloociisa sheegnana

Kuwa aan qaloonayn

Aad moodo qori iyo

Qaansooyin dhaadheer

Lala daba qotomo oo

Lagu wada qasbaayaa

Isa soo qutarayoo

Waxay qiil ka dhigayaan

Qoysas baa ku noolee

Yaan la qabaninee daa!!

 

Khamrigaa qadhmuunkaba

Qaarbaa kunoo lee

Miyaan uba qalaynaa

Qiilma u samaynaa

Ha quraarad miisee

Mise waan qabqabanaa

 

Qoyskaad kahadashana

Boqolkiiba qayb baa

Qoryahaa ku nooloo

Saamigii kaluu qalay

Qiimihii iyo lacagtii

Qarashkiyo xaqoodii

Qaran kalaa xisaabsaday

Qaadkaana ugu wacan

 

Qaadirkeen kayaaboo

Wixii qalada ee jira

Qaribaaya diintee

Bulshadiina qalayee

Qaybtii u waynayd

Qalqalooca naga baray

 

Maxaa looga quustee

Looga qaban dalkeenee

Qilaafkaa arlada dhigay

 

Hadii qaad la magac dhabo

Qori iyo budh wayn iyo

Qawlalada mid goysiyo

Qalab bay layaacaaan

 

Anna waan qorsheystoo

Qalin baan sitaayoo

Qasdi baan ka leeyahay

 

Allihii qoraalkiyo

Qalinkiyo cilmiga baray

Ummaddayda qaarkood

Ayaa qaadiroo jira

 

Dagaal kana qatiyo ciil

Qaxarkiisi baan nacay

Qiilbeena waan dhigay

 

Hadii aan qalaynaan

Qunjuraafno bahalkaan

Marlabaad qilaafnana

 

Kuwo qaadku daashaday

Qaadiradu reebtaa

Isa soo quturayoo

Waxay qiil ka dhigayaan

 

Qarankoo dhan baa cuna

Quwad gaar ahaaneed

Ayuu qaadku leeyahay!!

 

Il qalloocan ruuxii

Sikin qudha ku eegana

Awliyaa qalaysoo

Quudkeeda weeyaan!!

Lama qaban karaayee

Haku daalin qaad diid

 

Aniguna qiyaastii

Qiilkaasi beenta ah

Qawlkaan ka idhi waa

 

Maskax qiiqka baxayiyo

Qalbi aan wax garanayn

Ayaa saa u qaa taye

Quwaddii ilaahay

Ma qaadkaa ka sara maray?!!


 

Qaran baan dhisaynaa

Qorshihiisu wayn yahay

Qaadna waan cunaynaa

Waa wax aan is qabanayn

 

Hadii aan qalaynaan

Qunjuraafno bahalkaan

Marlabaad qilaafnana

 

Kuwo qaadku daashaday

Qaadiradu reebtaa

Isa soo quturayoo

Waxay qiil ka dhigayaan

 

Markaan qaadka taabtee

Caleen qudha qaniinaa

Qasnaduhu furmaanoo

Maskaxdayda qool iyo

Quful laga jabshaayoo

Markaasaan qiyaasaa

Qasdigayga aan wado

 

Hadii qaadku joogsado

Qorshihi iyo hawshii

Lama qumin karaayee

Sidee loo qabanayaa ?!!

 

Aniguna qiyaastii

Qiilkaasi beenta ah

Qawlkaan ka idhi waa

 

Maskaxdaada qoolkiyo

Qufulkaasi xoogale

Qaadkaa ku xidhay waar

 

Hadii qaadku joogsado

Qufulkaasi wuu jabi

Waxkastoo la qaadana

Qaadiro la’aanteed

Waa la qaban karaayaa

 

Qoladiinan sare ee

Qaran keena haysoow

Maydinkaa qisadan wada?

 

Oo waad u qasaddeen

Inuu qaadku daashado

Dhalin yarada qaarkood

 

Qurubkii kale hadhay

Inay qaar tahriibaan

Qurbahaa u yaacaan

Qaxoonti ay ku joogaan

Qaarna ay cidloobaan

 

Mise waad qorshayseen

Inaad qiiq ka kicisaan

Qaadkaba dhammaantii

Anigaan warkaa qaban

 

 

Hadii aan qalaynaan

Qunjuraafno bahalkaan

Marlabaad qilaafnana

 

Kuwo qaadku daashaday

Qaadiradu reebtaa

Isa soo quturayoo

Waxay qiil ka dhigayaa

 

Qufucuu daweeyaa!!

Qanjidhada xanuunee

Qoortaa ku yaalliyo

Muruqyada qalloocduu

Qumanaan u saaraa!!

 

Adigoo qatooboo

Qaxar iyo dhibaatiyo

Qandho ay ku haysana

Hadii aad qaniin taba

Qosol baad ka jagacsiin!!

 

Aniguna qiyaastii

Qiilkaasi beenta ah

Qawlkaan ka idhi waa

 

Qufac uu daweeyiyo

Qal qaloocba daayoo

Qabsin iyo xanuun iyo

Qaadiro kulal iyo

Qaaxiyo dhibaatiyo

Waallibay ka qaadeen

Kuwii quudan jiray kaa

 

Qiso weeye yaab lee

Bulshayahay qaloocdaa

Ma ilaa qiyaamaha

Ayaan qaad cunaynaa

 

Qudhun weeye bahalkuye

Maxaa looga quustee

Looga qaban dalkeenee

Qilaafkaa arlada dhigay

 

Hadii aan qalaynaan

Qunjuraafno bahalkaan

Marlabaad qilaafnana

 

Kuwo qaadku daashaday

Qaadiradu reebtaa

Isa soo quturayoo

Waxay qiil ka dhigayaan

 

Dhaqaaluhu ma qayb samo

Hadii qaadku joogsado

Maxaan quudka dhiganaa

 

Aniguna qiyaastii

Qiilkaasi beenta ah

Qawlkaan ka idhi waa

 

Ilaahaa qafuurkee

Arsaaqdana qoraayaa

Quudkeena dhiibee

 

Ma’og tahay qiyaamaha

Dadka keenna qooqiyo

Xaaraanta qaayibay

Inuu qaaca jahanama

Ka dhex qaylindoonuu

Ku qasaaray tiisii

 

inta aad qadhaadhkiyo

qoryahaa cunaysaan

qaran keenu duul yahaw

qabyo weeye joogto ah

 

miyaynaan qorshaynayn

qaramadu aduun yadu

inay nagu qadariyaan

qaayaha dhulkeeniyo

qiimaha dhaqaalee

qormadeenu leedahay?!!

 

hadii in uun qiyaastii

qasdigeenu kaa yahay

waa in laga qashaafaa

qaadkiyo asaagii

Qalinkii Ibraahin Xamari