Jaamacada SIMAD oo soo dhaweysay Macalimiin soo Qaatay SHAHAADOOYIN

0
Monday March 30, 2015 - 18:09:27 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaamacada SIMAD oo soo dhaweysay Macalimiin soo Qaatay SHAHAADOOYIN

    Maamulka Jaamacadda SIMAD ayaa munaasabad soo dhaweyn ah u sameeyay maanta 17-macallin oo soo dhammeysatay waxbarashada sare ee PhD iyo Master-ka, kuwaasoo ay jaamacaddu horay u siisay deeq waxbarasho oo dalka dibaddiisa ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Jaamacadda SIMAD ayaa munaasabad soo dhaweyn ah u sameeyay maanta 17-macallin oo soo dhammeysatay waxbarashada sare ee PhD iyo Master-ka, kuwaasoo ay jaamacaddu horay u siisay deeq waxbarasho oo dalka dibaddiisa ah.

 

Afar ka mid ah macallimiintan ayaa soo qaatay shahaadada PhD-ga, halka 13-ka kalena ay soo qaateen Shahaadda Master Degree-ga ah. Waxayna wax kusoo barteen dalalka; Thailand, Malaysia, Uganda iyo Kenya.

"Waxaan u mahadcelinaynaa Jaamacadda SIMAD oo noo suuro-gelisay inay fursaddan qaaliga ah ee aan waxbarashadeena sare ugu qaadayno,” ayuu yiri Saalax Cali Xasan oo shahaaddada labaad ee cilmiga Computer-ka ku soo diyaariyay dalka Thailand.

Sidoo kale, Dr. Bashiir C/samad Xareed oo maaddada xisaabaadka kasoo diyaariyay PhD-da ayaa sheegay in fursadaha la siiyo dadka ee cilmigooda lagu kobcinayo uu si guud wax ugu soo kordhinayo bulshada Soomaaliyeed.

"Waxaan rabaa inaan halkan ka caddeeyo in wixii aan soo barannay aan si daacadnimo ah ugu shaqeyn doono bulshada Soomaaliyeed iyo jaamacadda SIMAD,” ayuu yiri Bashiir C/samad.

Guddoomiyaha Jaamacadda SIU, Dr. Yaxye Cali Ibraahim oo munaasabadda ka qayb-galay ayaa xusay in hay’adaha waxbarashada dalku ay kaalintooda qaadan karaan marka ay bixiyaan qiimo iyo dadaal joogto ah, tallaabada ay jaamacadda SIMAD kusoo saareyso aqoonyahanno gudaha ah.

Sidoo kale hormuudka jaamacadda Jazeera, Dr. Ibraahim Xasan ayaa isna yiri. "Runtii waa talaabo geesinimo leh, waa tallaabo ammaan mudan, waa talaabo sharaf leh, waa talaabo ku dayasho mudan maxaa yeelay loogama baranin jaamacadda in ardayda dhameysata heerka koowaad ay siiyaan in ay fursad ay ku helaan heerka labaad iyo sedaxaad.”

Guddoomiyaha jaamacadda SIMAD, Daahir Xasan ayaa u hambalyeeyay aqoonyahannada ka faa’iideystay deeqda waxbarasho ee ay jaamacaddu siisay,

"Hannaanka ah in la helo dad leh aqoon sare leh (Jaamacadda) aad ayay ugu go’an tahay, waxuuna Jaamacadda qorshaheedu yahay in sannad kasta ay dirto shan arday oo soo diyaarisa shahaaddada PhD-ga, taasoo aan rabo hadduu ALLE idmo in sannadka 2020-ka dadka PhD haysta ee Jaamacaddan jooga ay gaaraan 20% halka ay maanta yihiin 6%,” ayuu yiri Daahir Carab.

Ugu dambeyn, sanadkii 2004-kii, ayay jaamacadda SIMAD billowday qorshe kor loogu qaadayo aqoonta macallimiinta, taasoo ay ka helayaan waxbarasho sare oo deeq dibadda ah, waxaa ka faa’iideystay 77-qof halka hadda ay dibadda ku maqan yihiin ku dhawaad 30 arday oo soo diyaarineysa shahaaddada labaad ee Marter-ka iyo waliba PhD-ga.