Guurkii Hore Iyo Guurka Maanta Casriga Ah Qalinkii -Ahmed-Lababaale

0
Tuesday March 31, 2015 - 08:14:08 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guurkii Hore Iyo Guurka Maanta Casriga Ah Qalinkii -Ahmed-Lababaale

    guurku waa aasaaska beerida nolol wadaaga lamaanaha binu aadanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

guurku waa aasaaska beerida nolol wadaaga lamaanaha binu aadanka.
guurkiii hore iyo guurka maanta casriga ah

sawjada iyo sawjka is guursada ,,ilaahay wuxuu quraankiisa kuyidhi 
waxaanu ka yeelnay deganaansho iyo raxmad.
hadaba waxaan jeclahay mawduucan inaan ukala qeexo laba qaybood
oo kala ah idiinkuna iftiimiyo

FARAQA UDHAXEEYA
siduu ahaa guurkiii hore iyo guurkan maanta casriga ah
guurkii hore wuxuu ku salaysnaa %100 dhaqankeenii soomalida ee
soo jireenka ahaaa iyo diinta islaamka maadaama aynu nahay dad muslima ,,,, halka guuurka maanta aynu aragnay waxyaabo badan
oolaga bedelay dhaqankeenii soo jireenka ahaaa .
hadaba aynu soo qaadano guurkii hore qaybuhuu ukala bixi jiray
waxaana kamid ahaaa
1- sahan dumar
2- dhabar garaac 
3- bogsiin
4- guur toosan 
5-geeri keen
1- SAHAN DUMAR ...
guurkan sahan dumar waxa uukuyimi kalmada layidhaa ((HEERIN)
hablaha ayaa qaar kamid ahi marka ay gaadhaan dada guurka
ayay inantu heermi jirtay ,, intay gurigeedii ka heerinto
ayaa waxay u tagi jirtay reer ay soo sahamisay oo guriga inamo guurdooni ujoogaaan ... markay gurigaa soo gasho inanta dib looma celin jirin ooo ceeb bay ahayd ..markay islaanta reerka usheegto
inay reerin tahay islaantu waxay usheegi jirtay odayga reerka
kadibna odaygu inamadiisa ayuu inanta wiil ku dari jiray looguna aroosi jiray ..
2- DHABAR GARAAC .
dhabar garaac waxalayidhaaa marka uuu wiil inan latago
kadibna inantii uulatagay uu hibada usoo doonto
3- BOGSIIN
bogsiin ,, waa marka intay laba reer colaadi dhex marto oo la is laayo
kadibna laga heshiiyo colaadaaa ayaa waxa la bixin jiray oo la isa siin jiray hablo godob reeeba
4- GUUR TOOSAN
guur toosan isagu waa sidii caadada ahayd ee la arki jiray inanku
markuu inanta usoo geed fadhiisto ee dabadeedna lamaanaha la isa siiyo la isuguna duceeeyo
5- GEERI KEEN
GUURKANI waa guurka dumaasha ama xigsiiinta layidhaah
gabadha ayaa ninkeedii dhintay markaa waxa guursanaya dumaashigeed .. amaba nin ayaaa xaaskiisii dhimatay 
dabadeed waxa la siinayaa xaaskiisii dhimatay walaasheed ....
hadaba maanta waxaynu aragnay guurka maanta in laga bedelay
waxyaabo badan oo ahaa guurkeenii soo jireenka ahaaa
waagii hore inanka guur doonka ah waxa la odhan jiray, DOOB.
halka inanta guurdoonka ah la odhan jiray inan timo tidcan
hadaba inanka guur doonka ah ama doobka ahi markuu maaago guuur
mudo badan ayuu racdayn jiray ama baadi goob ugu jiri jiray
inantii uu usoo geed fadhiisan lahaaa .
wuxuu habaynkiiii u guurayn jiray meel alaale iyo meeshii loogu sheego inay ciyaari kajirto 
marka ciyaarta la isugu yimaado inamada iyo hablaha kasoo qayb gala ciyaarta way isu heesi jireeen heesahana waa laysku hal xidhaalayn jiray .
intaas kumuu eekaan jirin wiilka doobka ahi wuxuu tagi jiray baraagaha
iyo ceelasha loosoo kaxeeyo dhaanka ,, 
waxaanu ka sahamin jiray hablaha dhaamanka soo kaxeeya 
hadii uu arko inan uu kahelo isla markiiba haasaawaha ayuu ku bilaabi jiray, hal xidhaalaha iyo suugaan maldahan .. 
taas oo uu ugu duur xulayo si uu u ogaado inanta garaadkeedu 
halka uu gaadhsiisan yahay.
marka uu sifooyinkii uu doonayay uuka helo wuxuu usheegi jiray
inuu yahay guurdoon ama inantu isla markaba way fahmi jirtay
iyaduna markay ku qanacdo waxay usheegi jirtay 
inuu usoo geed fadhiisto oo reerkooda uu soo waydiisto
hadaba marka uu usoo geed fadhiisto inanta siday wax udhici jireeen
arooskuse mid sideeya buuu ahaaaa ma mansuur iyo ambasador ayaa inanta lagu bixin jiray mise .....


lasoco Qaybta 2aaad
Qalinkii- Ahmed-Lababaale