Qadiyada Sheffield Waxay Noqonaysaa Hididiilo Wanagsan Oo Loo Talaabsaday Xagaa Aqoonsiga". Safiirka Somaliland Ee UK.

0
Monday March 31, 2014 - 23:22:53 in by salman abdi
  • Visits: 923
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qadiyada Sheffield Waxay Noqonaysaa Hididiilo Wanagsan Oo Loo Talaabsaday Xagaa Aqoonsiga". Safiirka Somaliland Ee UK.

    Waxa lagu wadaa in shirkaasi golaha deegaanka Sheffield uu yeelanayo Arbacada todobaadkan ay goob-joog ka noqon doonaan masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa lagu wadaa in shirkaasi golaha deegaanka Sheffield uu yeelanayo Arbacada todobaadkan ay goob-joog ka noqon doonaan masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis,

 Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro), Safiirka Somaliland ee UK iyo xubno ka socda Jaaliyada reer Somaliland ee magaaladda Sheffield.

Mawduucaasi oo ah mid ay si aad ah ugu dheg-taagayaan guud ahaan bulshada Somaliland gaar ahaana kuwa dhaqan dalka Ingiriiska, isla markaana ay horgeynta golaha deegaanka Sheffield ka dambeeyeen ama soo abaabuleen qaar ka mid ah jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan magaaladda Sheffield ayaa la filayaa in Arbacadda cod loo qaado.

Waxyaabaha laga filan karo in dawladaha hoose ee Sheffield ay arrintaasi ansixiyaan iyo faa’iidada uu Somaliland u yeelan karaba waxaanu ka waraysanay safiirka Somaliland u fadhiya magaalada London Ambassador Cali Aadan Cawaale oo aanu xalay khadka telefoonka kula xidhiidhinay isaga oo joogay London.

Danjire Cali Aadan Cawaale, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna, waxa uu yidhi "Hawshaasi oo la filayo in si dhab ah loogu dhawaaqo maalinta Arbacada ah ee soo socota, Golaha Deegaanka Dawladda Hoose ee magaalada Sheffield oo ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn dalka Ingiriiska, waana arrin ay ka soo shaqeeyeen muwaadiniin reer Somaliland ah oo is-xilqaamay, isla markaana dedaal badan u galay, hawshaasinaa sidii ay uga soo shaqeeyeen Illaahay waa ku guuleeyay dadkaasi reer Somaliland ee is-xilqaamay, waanay ku guulaysteen in ay ku qanciyaan Dawladda Hoose ee Sheffield inay dalka Somaliland Dawlad Hoose ahaan aqoonsadaan.”

Waxaanu intaasi raaciyay "Waxaa noo imanaya Wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis, waxa kale oo isna halkan jooga guddoomiyaha Golaha Wakiiladda oo isna shalay (doraad) halkan soo gaadhay, masuuliyiintaasi ayaana ka qaybgalay oo goobjoog u ahaanaya hawshaasi ku dhawaaqeed.Halka uu shirkaasi ka dhacayo ee xarunta golaha deegaanka Sheffield ayaanu tegaynaa, jaaliyadana cid ayaa ka tegi doonta, weliba cidii hawshaasi ka soo shaqaysay” ayuu yidhi safiirku.

Danjire, Cali Aadan Cawaale oo aanu waydiinay haddiiba uu ku dhawaaqo Golaha Deegaanka Shefield inay aqoonsadaan Somaliland, waxa ay arrintaasi soo kordhin karto, waxa uu ku jawaabay "waxay soo kordhin kartaa bulshadda reer Somaliland inay ogaato xaqiiqada dhabta ah iyo awooda ay leeyihiin iyaga oo ah muwaadiniin Ingiriis ah marka hore, marka labaadna dalkoodii ay ka soo jeedeen ee Somaliland u adeegaya inay wax badan ku tari doonaan Qarankooda, oo ay wax badan ka qaban karaan qadiyadooda, iyo inay tusaale u noqon doonto umada kale ee Somaliland, waxaanan filaynaa in ay muftax u noqoto qadiyada Somaliland ee 23 jirsanaysa bisha May ee soo socota ay la jaanqaado iyada oo ay Somaliland aqoonsi ka haysato dadyawga qaarkood”.

Sidoo kale Safiirka oo aanu weydiinay su’aal ahayd haddii Golaha Deegaanka Sheffield ku dhawaaqo inay aqoonsadeen Somaliland uu taasi macnaheedu yahay in dawladda Britain ay aqoonsatay Somaliland, waxa uu yidhi "maya, sidaa looma qaadan karo, laakiin, waxa ay noqonaysaa tallaabo hor leh oo loo qaaday xagga aqoonsiga, waxa kale oo ay noqonaysaa xildhibaanada iyo golaha baarlamaanka masuuliyiinta kaga jira Shefield oo iyaguna mawduucan taageeray inay iyaga iyo dhigooda kale ee taageera qadiyada Somaliland ay ka hawlgalaan, una noqon doonto hub ay u adeegsadaan dawlada Ingiriisku inay wax ka qabato”.


Afkashacabka.com

London /Office

Contact@afkashacabka.com