Madaxwaynihii Pakistan General Pervez Musharraf, Oo Oo Laso Taagay Maxkamad

0
Monday March 31, 2014 - 23:40:47 in by salman abdi
  • Visits: 1057
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynihii Pakistan General Pervez Musharraf, Oo Oo Laso Taagay Maxkamad

    Maxkamad gaar ah oo qaabilsan qaadista dacwado ka dhan ah hoggaamiyihii hore ee milatariga Pakistan, General Pervez Musharraf, ayaa ku soo oogtey shan eedeymo oo la xiriira khiyaano qaran. Talaabadan ayaa u muuqata mid ka mid ah dal milateriya oo mud

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamad gaar ah oo qaabilsan qaadista dacwado ka dhan ah hoggaamiyihii hore ee milatariga Pakistan, General Pervez Musharraf, ayaa ku soo oogtey shan eedeymo oo la xiriira khiyaano qaran. Talaabadan ayaa u muuqata mid ka mid ah dal milateriya oo muddo badan ka talinayeen.

Mr. Musharraf ayaa beeniyey eedeymaha loo soo jeediyey markii la hor keeney maxkamaddaasi oo ku taalla magaalada Islamabad. Haddii lagu helo dembiyada lagu soo eedeeyey waxaa uu xukunkiisu noqon karaa dil.

Madax Waynihii hore Dalka Bakistaan General Musharraf waxaa uu maxkamadda ka hor sheegay inaanu khiyaanno qaran gelin, isagoo isla markaasina xusey guulihii uu dalka Gadhsiiyey intuu uu xilka hayey.

Qareennada u doodaya ayaa maxkamadda u soo gudbiyey codsi ay ku doonayaan in Musharraf oo 70 jir ah loo oggolaado inuu dalka ka dhoofo si uu magaalada Dubai ugu booqdo hooyadii oo xanuun sanaysa.

Dacwadaha la xiriira khiyamadda qaran ee lagu soo eedeeyey ayaa ka dhashay talaabo uu qaadey sannadkii 2007 oo uu ku hakiyey dastuurkii dalka, isla markaana ku dhawaaqey xaalad deg deg ah isagoo doonayey inuu si hayo xilka madaxweynenimo.

 



Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com