Markabka Ugu Weyn Somaliya Oo Yemen Ku Degaya

0
Monday March 31, 2014 - 23:47:54 in by salman abdi
  • Visits: 1101
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Markabka Ugu Weyn Somaliya Oo Yemen Ku Degaya

    Mid ka mid ah Markabkii ugu weynaa Soomaaliya oo ku sugan xeebta magaalada Sanca ayaa qarka u saaran inuu dego, iyadoo ay socdaan howlaha lagula tacaalayo in aanu markabkaas quusin oo ay wadaan Eng neero iyo kabtanada maraakiibta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid ka mid ah Markabkii ugu weynaa Soomaaliya oo ku sugan xeebta magaalada Sanca ayaa qarka u saaran inuu dego, iyadoo ay socdaan howlaha lagula tacaalayo in aanu markabkaas quusin oo ay wadaan Eng neero iyo kabtanada maraakiibta.

Qunsulka Safaarada Soomaaliya ee dalka Yemen Xuseen Xaaji Axmed ayaa sheegay Inu khatar ku jirto Markabku, kadib markii uu Daloshamay, isla markaana ay biyo badan soo galeen, sheegay in dhowrkii maalmood Ee Udanbeyay ay Biyo uga Sarayen Matorka Markabka,Waxnu Yidhi,

"Labadan maalmood ee udanbeyey waxanu la dagaalameynay oo lagu mashquulsanaa Markabka Cusmaan Geeddi Raagge oo ka mid ahaa maraakiibta ugu weyn Soomaaliya. biyo badan oo soo galay, meelo badan ayuu ka daloshamay matoor ayanu keenay oo biyaha uga saareynay, balse biyaha soo galayay ayaa ka badnaaā€¯ayuu yidhi Xuseen Xaaji Axmed.

Qunsulka ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya in Markabkaas la bad-baadiyo inta aanu quusin, isagoo xusay in hadii uu quuso qatar kale ay soo wajaheyso oo ah in lacag fara badan oo boqol jibaar ah lagu dalaco, kaasoo lagu saarayo markabka hadii uu quuso.

Ilaa afar Markab oo ka mid ahaa maraaakiibtii Soomaaliya lahayd ayaa ku xiran Dekeda Sanca muddo tobanaan sano ah, iyadoo maraakiibtan ay Daxalaysteen, markii ay heli waayeen dayactir, sidoo kale waxaa tan iyo markii ay bur burtay dowladdii dhexe gacanta ku hayay Ganacsato Soomaaliyeed.

Maraakiibtan ayaa dhowaan lagu soo dalacday lacago fara badan, iyadoo shirkad laga leeyahay dalka Yemen ay ku hanjabtay inay la wareegi doonto hadii aan la siin lacag, waxaana dhowaan Maamulka Dekeda uu dalbaday in maraakiibtan laga fogeeyo Dekeda Sanca oo ay in muddo ah ku xirnaayeen.



Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com