Musharaxa Xisbiga UCID oo War-murtiyeed kasoo saaray Dr Cali Macoow
Haddana waxaa warbaahinta lagu qoraayey Arrin Aan ku munaasib ahayn milgihii lagu yaqaanay waddankeena. Dr Macow fadhigiisu waa Dalka Ingiriiska, sababta uu Somaliland uga fulinayo hawlo Caafimaadna waxay TAHAY sidii uu uga faa'iideeyn lahaa aqoontiisa caafimaad ummadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan geeska Afrika maadaama ay Somaliland TAHAY Waddan nabad ah oo Dadka mandaqadda geeska Afrika ku dhaqanina ay soo wadda gaadhi karayaan.
Sharaf ayeey u TAHAY ummadda iyo dawladda Somaliland in aynu soo jiidan Karno aqoonyahan kartidaasi oo boerenkool Leh. Sida la sheegay Dhakhtarku wuxuu leeyahay takhasus xanuunada ku dhaca haweenka, gaar Ahaan Uur ku jirta, Sida uu telefiishanadana uu ka sii daayey, dadkiina iyadoo aanay CIDI khasbin ay isa sii Diiwaan geliyeen.
Haddii la hubsanayo aqoontiisa ma Xuma laakiin intaan ruqsadda la siinin baai ahayd in la hubsaddo maadaama uu xarumo xaafimaad ku leeyahay waddanka Ingiriiska, hawsha Somalilandna uu ku fulinaayo goobo caafimaad.
Imikana waxaan jecelahay in ay ahayd Isfahan la'aan ee loo dhameeyo arrinkiisa Sida Ugu dhakhsaha Badan. Waa wax wanaagsan in Somaliland ay yimaadaan aqoonyahano xirfado kala duwan leh oo caalamka ka socda oo dhalsho walba leh iyadoo la raacaayo shuruucdii waddanka u taallay. "
Jamaal Cali Xuseen
Musharaxa Jagadda Madaxweyne ee xisbiga UCID, Somaliland
Musharaxa Xisbiga UCID oo War-murtiyeed kasoo saaray Dr Cali Macoow
War-murtiyeedkaas Ayaa qornaa sidatan: Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland oo Ruqsad Siisay Dr Cali Awes Macow, ma aha in la carqaladeeyo ee waa la soo dhaweeyaa. Waxaan ka codsanayaa wasaaradda caafimaadka iyo ciidanka qaabilsan nabad-gelyadda