Wefti ka socday Waddanka China oo ah shirkad Maalgashi oo Hargeysa lagu soo dhoweeyey yo meelaha ay ka hir gelin doonaan maalgashigooda

0
Tuesday April 01, 2014 - 15:42:37 in by Super Admin
  • Visits: 1027
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wefti ka socday Waddanka China oo ah shirkad Maalgashi oo Hargeysa lagu soo dhoweeyey yo meelaha ay ka hir gelin doonaan maalgashigooda

    Shirkad maal gashi ka samaynaysa Waddan oo si diiran loogu soo dhoweeyey Hargeysa iyo meelaha ay ka hir gelin doonaan maalgashigooda*

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkad maal gashi ka samaynaysa Waddan oo si diiran loogu soo dhoweeyey Hargeysa iyo meelaha ay ka hir gelin doonaan maalgashigooda*
Wefti Ballaadhan oo ka socda Shirkad laga leeyahay Waddanka Shiinaha oo
lagu magacaabo Afro China Industry, ayaa si ballaadhan loogu soo dhoweeyey
Garoonka Diyaaradaha ee Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Masuuliyiinta Shirkaddan oo shalay ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee
Hargeysa, ayaa waxa si diiran u soo dhoweeyey Masuuliyiin ka tirsan
Wasaarradda Warshadaha Somaliland, Madaxdhaqameed iyo dadweyne aad u diro
badan, kuwaas oo ku qaabilay weftiga calanka Jamhuuriyadda Soomaliland iyo
waddanka ay ka ymaadeen ee Shiinaha.


Shirkaddan Afro China oo ah shirkad dhinaca warshadaha ah, ayaa sheegay
inay warshada ka hir gelin doonaan Deegaamo ay ka mid yihiin Aw-barkhadle,
hargeisa iyo wajaale deegaamo kale oo dalka ka mid ah, waxaanay sheegeen in
uu soocdaalkan ay Somaliland ku yimaadeen yahay kii labaad ee ay dalka ku
yimaadaan.

Khadar Badal Ducaale oo ah madaxa maamulka Shirkadda Afro China oo
halkaasi ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi "Waxaan aad ugu mahad naqayaa
dadweynaha soo dhoweeyey weftigan Shiinaha ah oo ay hadda tahay imaatin
kodii labaad ee Dalka, waxaanay ka qayb qaadan doonaan qaybaha Warshadaha
dalka, taas oo keeni doonta wax soo saar iyo shaqaalaysiin dadka ahba,
waxaanan rajaynayaa inaanu ku guulaysan doonno mashruucan dhaqaajintiisa
qaybta labaad"

Caaqil Rashiid Jaanbiir oo ah Guddoomiyaha Guddiga Beesha Koonfurta
Hargeysa oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi "Waxa ay dadkani
ka qayb qaateen nay soo dhoweeyaan ciddii maal gashanaysa waddankan
Somaliland, waxaanan filayaa inay dhamaan Dawlad iyo shacabkaba si
wanaagsan loo soo wada dhowayn doono inay maal gashadaan waddanka
Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanan leeyahay soo dhowaada, maal
gashigiinana aad ayaanu ugu baahannahay"

Mid ka mid ah Masuuliyiinta shirkadda Afro China oo isaguna halkaasi ka
hadlay, ayaa sheegay inay sannadkii hore yimaadeen dalka oo ay imikana u
ymaadeen dalka nay dhamays tiraan hawlaha maal gashi ee ay wadaan, isla
markaana ay Somaliland tahay meel wanaagsan oo ku fiican maal gashiga,
waxaanuu xusay inay caawimo ka geysan doonaan dhinaca wax barashada.






Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com