Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLKA oo Cambaarayey Falkii Lagu Dhaawacay ee weerarka Arxan Darrada Ah loogu Geystay Weriye Darwiish
Size: 30 KB
Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, isagoo ka duulaya masuuliyada iyo waajibaadka uu u hayo Hay’adaha Warbaahinta iyo Suxufiyiinta Somaliland, waxaa uu si kulul u cambaareynayaa weeraraka lagu qaadayWeriye-Cabdilaahi Xuseen Darwiish. oo ah Weriyaha Royal TV, Wargeyska Waaheen iyo Shebekedda Oodweynenews ee Magaalada Ceerigaabo Ahna Wakiilka UrurkaSOLJAee G/Sanaag Ayaa Xalayto 2/6/2014 Habeenkii jimcuhu soo galayay abbaara 10:30-pm rag dhallinyaro madaxa soo duubtay oo ku hubaysan Budhadh Iyo Toorriyo isagoo Xafiiskiisa hortiisa Telefoon ku hadlaya waxay halkaas hareeraha kala galeen budhadhkii ay siteen. Waxana weriyaha soo gaadhey dhaawacyo intooda badani madaxa iyo wejiga ka gaadheen.Weriyaha ayaa loola cararay cusbitaalka guud ee Ceerigaabo, sidoo kalena kooxdii hubaysnayd ee weriyahan weerarka kusoo qaaday ayaa boliisku mid kamid ah gacanta ku dhigeen.
Hadaba ururkaSOLJAwaxa uu si sharaf iyo qadarin leh uga codsanayaa Hayaddaha amniga ee Jamhuuriyada Somaliland iyo kuwa gobolka sanaag gaar ahaan kuwa dagmada ceerigaabo in sida ugu dhaksaha badan sharciga loo horkeeno cidii falkaa arxan darada ah ku qaaday WariyeCabdilaahi Xuseen Darwiish.
ALLAA MAHADLEH
MUSTAFE SHEIKH OMER GEEDI
SOLJA Board of Directors (BOD)
Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLKA oo Cambaarayey Falkii Lagu Dhaawacay ee weerarka Arxan Darrada Ah loogu Geystay Weriye Darwiish
Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, isagoo ka duulaya masuuliyada iyo waajibaadka uu u hayo Hay'adaha Warbaahinta iyo Suxufiyiinta Somaliland, waxaa uu si kulul u cambaareynayaa weeraraka lagu qaadayWeriye-Cabdilaahi Xuseen Darwiish. oo ah