Wasiirka Caafimadka JSL Saleban Xaglotoosiye Iyo Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka Somaliland oo looga yeedhay Xarunta Golaha Wakiillada Somaliland

0
Wednesday April 02, 2014 - 08:56:34 in by Super Admin
  • Visits: 1071
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Caafimadka JSL Saleban Xaglotoosiye Iyo Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka Somaliland oo looga yeedhay Xarunta Golaha Wakiillada Somaliland

    Iyo Wasiir Xaglatoosiye Oo Ku Gacan Saydhay Kana Cudur Daartay Inuu Tago Golaha Wakiilada Gudoomiyihii Oo Maqan Awgeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyo Wasiir Xaglatoosiye Oo Ku Gacan Saydhay Kana Cudur Daartay Inuu Tago Golaha Wakiilada Gudoomiyihii Oo Maqan Awgeed.

 

Guddiga Joogtada ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta u yeedhay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) iyo Guddoomiyaha Guddiga Mihnadleyaasha Caafimaadka ee heer Qaran Luul Jirde Xuseen.


kuwaasoo ay u qoreen waraaq u yeedhis ah oo ay Guddigu ku dalbadeen inay Golaha horyimaaddaan, si ay faahfaahin cad uga bixiyaan tacaddiga ay kula kaceen Dr. Cali Macaw Aways iyo Muwaaddiniinta doonayay inay la kulmaan.


U yeedhista Wasiirka Caafimaadka iyo Guddoomiyaha Guddiga Xirfadleyaasha Caafimaadka Somaliland, ayaa la xidhiidha Dhakhtarka Soomaaliyeed ee Dr. Macaw oo dalka Ingiriiska ka yimi si uu muddo saddex toddobaad ah Hargeysa uga fuliyo hawl-gal caafimaad oo ay dadku aad u danaynayeen, isla markaana gobollada, degmooyinka dalka iyo waddamada jaarkaba looga yimi si ay dadku Dhakhtarkaas ula kulmaan, isuna diiwaangeliyeen, isla markaana lacag ku bixiyeen.


Hase-yeeshee, ay Wasaaradda Caafimaadka iyo Haweenayda Guddiga Mihnadlayaasha haysataa iska hor-taageen hawl-gal caafimaad oo uu dalka u yimi, isla markaana khamiistii inna dhaaftay ka bilaabay xarunta Caafimaad ee Xabiiba Xanaan ee magaalada, Hargeysa, halkaas oo ay Boolisku Dhakhtarka ka kaxaysteen oo ay xidheen, xaruntana albaabbada u laabeen.


Sidaa daraaddeed, ayay Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayay Waraaq u yeedhis ah u kala direen Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) iyo Guddoomiyaha Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka Somaliland Luul Jirde Xuseen.


Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ee Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buuhaa oo Khadka Taleefanka ugu xaqiijiyay Shabakadda Wararka Ee Caalamigaa QoryaaleNews.com (Media Group),inay maanta waraaqo u yeedhid ah u qoreen Wasiirka Caafimaadka iyo Guddoomiyaha urutka mihnadayaasha Caafimaadka Somaliland,ayaa intaa ku daray inay wax ka weydiin doonaan labadan Masuul arrimo la xidhiidha shaqada ay Qaranka u hayaan iyo sida ay u fuliyaan.


Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubbaa Guddoomiyaha gudigga joogtada ah ee Golaha Wakiilada Somaliland waxaa kaloo uu sheegay in Guddigu wax ka weydiin doonto masuuliyiinta ay u yeedheen waxa lagaga dhaqmo xeerkii Caafimaadka ee la ansixiyay iyo qaabka ay ugu shaqeeyaan bulshada Somaliland ee u baahan caafimaadka isla markaana ay adeegga Caafimaad ugu shaqeeyaan.


Gudigga Joogtada ee Golaha Wakiilladu wax ka weydiin doonaan Wasiirka Caafimaadka iyo Guddoomiyaha ururka Mihnadlayaasha Caafimaadka xayiraadda la saaray Dr Macaw oo socdaal ku yimi Somaliland isla markaana bukaan badani ay isku diiwaan galiyeen laakiin intaanu shaqada bilaabin ay Wasaarradda Caafimaadku shaqada ka joojisay.


Sidoo kale, waxaa la filayaa in Wasiirka Caafimaadka su’aalo laga weydiiyo Dugsiyada tirada badan ee Caafimaadka lagu barto ee dalka ka furan waxay tayo ahaan iyo tiro ahaan kala socoto Wasaaradda Caafimaadka Somaliland iyo Guddiga Mihnadleyaasha Caafimaadka oo ay iyaga laftooda arrintaasi khusayso.

Dhanka kalena waxaanu helayaana ila wareedyo u dhuun daloola wasiirka cafimaadka dr saleebaan Xagalatoosiye waxaanay Sheegeen Inuu ganafka ku dhuftay u

Yeedhidaa ay u yeedheen xubanaha ka midka ah Golaha wakiilada ee aan Munaasibka ku ahayn shir gudoominta madaama uu meesha ka maqan yahay gudoomiyihii Golaha wakiilada Cabdiraxaan ciro.".




Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com