Masuuliyiinta Wasaarada Xanaanada Xoolaha Ee Gobolka Saaxil Oo Markii U Horeysay Ka Hadlay Geel Laga Soo Celiyey Dalka Sucuudiga

0
Wednesday April 02, 2014 - 10:47:47 in by Super Admin
  • Visits: 873
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuuliyiinta Wasaarada Xanaanada Xoolaha Ee Gobolka Saaxil Oo Markii U Horeysay Ka Hadlay Geel Laga Soo Celiyey Dalka Sucuudiga

    Markabka Xoolaha ee la soo celiyey ayaa noqonaya kii labaad ee Maxjarka Berber aka dhoofa ee bil gudaheed la soo celiyo, iyadoo ay wali taagan yihiin cabashooyinkii Markabkii kan ka horeeyey ee Xoolaha lagu soo celiyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markabka Xoolaha ee la soo celiyey ayaa noqonaya kii labaad ee Maxjarka Berber aka dhoofa ee bil gudaheed la soo celiyo, iyadoo ay wali taagan yihiin cabashooyinkii Markabkii kan ka horeeyey ee Xoolaha lagu soo celiyey

 Isuduwaha Wasaaraddda Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr: Cali Maxamed Guuleed  ayaa sheegay in Maxjarka Berbera ee laga bixiyo shahaahadada Caafimaadka Xoolaha dhoofayaa uu si fiican u baadho Xoolaha balse Maxjarka Sucuudi Arabiya marka ay Xoolaha oo Marakabka saarani gaadhaan ka qaato Khan kasta in muunad ah, taasina ay sababi karto in dhawr Nee foo kale Haddii uu ku arko xanuun uu soo wada Celiyo Xoolaha oo dhan.

Dr: Cali waxa uu sheegay in waraysi laga qaaday si qaldan loo fahmay oo la isweydaariyey labada Maxjar markii uu ka waramayey qaabka ay wax u baadhaan waxaanu yidhi " waraysiga aan bixiyey wuxuu ahaa Maxjarka Sucuudigu waxa uu ka qaadaa Xoolaha saambalo oo khananka ma wada galee dhawr Khan oo kala duwan ayuu dhawr Neef Dhiiga ka qaadaa, halkii baa laga dhigay in aan idhi Maxjarka Berbera Xoolaha ma wada baadhee dhawr Neer baa saambal laga qaadaa, markaa waxaan sixi lahaa uun intaas oo sida kale u dhacday” ayuu yidhi

Markabka Xoolaha ee la soo celiyey ayaa noqonaya kii labaad ee Maxjarka Berber aka dhoofa ee bil gudaheed la soo celiyo, iyadoo ay wali taagan yihiin cabashooyinkii Markabkii kan ka horeeyey ee Xoolaha lagu soo celiyey.

Dr Cali ayaa hore u sheegay Dhakhaatiirta Maxjarka Sucuudigu in ay qoraal u soo gudbiyeen iyagoo ku cadeeyey Geella ka soo dhoofay Berbera in uu qabo Boroseelo, kaasoo sababay in aanay Ooda ka qaadin marba haddii ay ku arkaan astaamo muujin kara nusqaan ku jirta Caafimaadka xoolahaas.





Afkashacabka.com

Berbera /Office

Contact@afkashacabka.com