Sheekh Caan Ka Ahaa Kenya oo Mombasa Lagu Dilay iyo Xaaladda Magaaladaas oo kacsan

0
Wednesday April 02, 2014 - 10:55:07 in by Super Admin
  • Visits: 807
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Caan Ka Ahaa Kenya oo Mombasa Lagu Dilay iyo Xaaladda Magaaladaas oo kacsan

    Xiisad Ayaa Ka Aloosan Magaalada Xeebta Ah Ee Dalka Kenya Ee Mombasa Maalin Kaddib Markii La Toogtay Sheekh Caan Ahaa Balse Muran Weyn Dhaliyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiisad Ayaa Ka Aloosan Magaalada Xeebta Ah Ee Dalka Kenya Ee Mombasa Maalin Kaddib Markii La Toogtay Sheekh Caan Ahaa Balse Muran Weyn Dhaliyay.


Sheekh Abubakar Sharif Ahmed Oo Loo yaqaanay Makaburi Ayaa Lagu Toogtay Magaalada Mombasa Isagoo Ka Soo Baxay Goob Maxkamad Ah Oo Dacwad Ugu Socotay.

Wadaadkan Waxa Uu Ahaa Nin Aan La Gaban Fikirkiisa, Dowladduna Waxay Ku Eedeysay In Uu Ahaa Nin Xagjir Ah Oo Taageersan Al-Shabaab.

Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay Ayaa Makaburi Ku Eedeeyay Inuu Taageero Dhaqaalana Siin Jiray Xarakada Al-Shabaab, Balse Eedeyntaasi Dhowr Jeer Oo Hore Ayuu Beeniyay.

Waa Wadaadkii Saddexaad Oo Lagu Dilo Mombasa Tan Iyo Sanadkii 2012-Ka.

Mar Uu Wareysi Siiyay Warbaahinta Muddo Afar Bilood Ka Hor, Ayuu Makaburi Ku Sheegay In Uu Ka Warhayo In Ciidamada Ammaanka Ee Kenya Ay Doonayaan Inay Dilaan.

Balse Waxaa Uu Sheegay In Aanu Ka Cabsi Qabin Arrintaas.

Makaburi Ka Hor Waxaa Isla Magaalada Mombasa Lagu Dilay Aboud Rogo Iyo Ibrahim Cumar Oo Iyaguna Ahaa Wadaaddo Muran Dhaliyay.








Afkashacabka.com

Nairobi /Office

Contact@afkashacabka.com