"waxaan anigu ku talin lahaa in doorashooyinka laga dhigo ta deegaanka oo mar ah iyo inta kale oo mar la wada qabto"

0
Wednesday April 02, 2014 - 11:13:30 in by Super Admin
  • Visits: 906
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "waxaan anigu ku talin lahaa in doorashooyinka laga dhigo ta deegaanka oo mar ah iyo inta kale oo mar la wada qabto"

    Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ku taliyey in la mideeyo Doorashooyinka marka laga reebo ta Goleyaasha Degaanka. Waxa uu tilmaamay in khasaare dhaqaale iyo Colaad ay horseedi karaan Doorashooyinka badan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ku taliyey in la mideeyo Doorashooyinka marka laga reebo ta Goleyaasha Degaanka. Waxa uu tilmaamay in khasaare dhaqaale iyo Colaad ay horseedi karaan Doorashooyinka badan.

"Doorashooyinka faraha badan dhaqaalaha ayay burburiyaan oo waxyeelo badan ayay leeyihiin, wax hawl yarna maaha, waxaanan anigu ku talin lahaa in doorashooyinka laga dhigo ta deegaanka oo mar ah iyo inta kale oo mar la wada qabto, si ay inoo wada dhaafaan oo dalku uu u dhismo, waayo xiligayagii waxa wakhtigii naga qaaday 2001-dii waxaanu qabanay codayntii dastuurka,2002 waxaanu samaynay tii deegaanka, 2003-diina doorashadii madaxtooyada, 2005-tiina doorashadii golaha wakiilada, doorashooyinka badan waxay sameeyaan burbur dhaqaale iyo colaad. kolayba waynu koraynaa oo hore ayaynu u soconaa, maantana kursigii ma joogo laakiin talo ayaan ka bixinayaa.” Axmed Yuusuf Yaasiin oo Warbaahinta la hadlay.

Dhinaca kale Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu soo jeediyey in Diwaan galin Rasmiya la sameeyo, si qof walba u helo kaadhkiisa dhalashada iyo Codbixinta, taasi oo yaraynaysa isqab-qabsiga xilida doorashada Caddaaladna horseedaysa.

"Waa in la sameeyaa diiwaangalin aan guur guurin oo rasmi ah si aanu dalka wax khal khal ah ugu iman, haddii maanta diiwaan galin la samaynaayo waa in hadda la bilaabaa oo si habsami ah loo sameeyaa oo inaga oo diiwangalin rasmi ah helna mooyaane aan wax doorasho ah la qaban, sababta oo ah waxay keenaysaa cadaalad iyo is qabqabsi la’aan, markaas waxaan ku talin lahaa in diiwaangalintaas si fiican loo hirgaliyo, oo waliba laga horaysiiyo kaadhka dhalashada,si qof kasdtaa uu u yeesho kaadhkiisa dhalashada.” Ayuu sheegay Axmed Yuusuf Yaasiin.

Xukumadda Somaliland ayaa sheegtay inay mar wada qabanayso Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiilada, iyadoo mar gaara la qaban doono ta Guurtida. Doorashadii u dambeysay ee Degaanka ayaa khilaaf hadheeyay ka dib markii lagu galay hanaan bilaa diwaan galin ah.






Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

 

Contact@afkashacabka.com