Mustafe Faarax Qalab Ayaa Dhegoolayaashii Aqoonta Iyo Rajada Ahaa Ku Wareejiyey Guri Cusub Oo Loo dhamaystiray

0
Wednesday April 02, 2014 - 12:09:29 in by Burco Office
  • Visits: 897
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mustafe Faarax Qalab Ayaa Dhegoolayaashii Aqoonta Iyo Rajada Ahaa Ku Wareejiyey Guri Cusub Oo Loo dhamaystiray

    gurigan ayaa ah mid wax badan ka badeli doona nolosha caruurtanh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

gurigan ayaa ah mid wax badan ka badeli doona nolosha caruurtanh


Burco(Afka) Caruurtii Dhegooolayaasha ahayd ee Aabaha iyo iyo hooyada midna aan lahayn islamarkaana ku dhaqnaa Magaalada burco ayaa dhawaan loo dhamaystiray Guri dhus-baloodh ah kaasi oo laga hirgeliyey Jagadii yaaleen, Waxaana uu Gurigan Cusub ka kooban yahay Saddex qol oo dhamaystiran, waxaana hada ku nool shan dhaqoolayaal ah iyo eedadood oo haysa.

Isuduwaha Cuntooyinka Gobolada Bariga Somaliland Mustafe Faarax Cali (Mustafe Qalab) oo kamida Gudigii isu xilqaantay kaalmaynta iyo horumarka Caruurtan ay lasoo deristay rajonimada Agoontu una dheertahay dhegola,aantu ayaa Furaha guriga ku wareejiyey Masuulka Caruurtan oo ah Eedadood, Waxaana hadal kooban uu goobta ka jeediyey Mustafe Qalab ku sheegay in Dedaal badan ay u galeen sidii Caruurtan yar yari u heli lahaayeen Daryeel Waxbarasho, iyo Guri hadana ay ku guulaysteen, Wuxuuna Mahad balaadhan usoo jeediyey Dadkii ka qeyb qaatay islamarkaana si weyn ugu heelanaa hawshan oo ay ka mid ahaayeen Khaliif Xiinwaal iyo Hinta Waqaf, Sidoo kale uu Wariye Cabdilmaalik ku amaanay doorka uu ka qaatay hawshan.

Mustafe Faarax Qalab sidoo mahad balaadhan usoo jeediyey cidkasta oo ka qeyb qaadatay dhismaha iyo kaalmaynta Ubadkaasi gargaarka u baahnaa, waxaana uu hada ugu baaqay bulshada muslimiinta ah inay usoo dhamaystiraan qeybta ka hadhay guriga oo ah nusbaloodh si uu u noqdo baloodh isku dhan .

Waalidka Caruurtan inta badan lasoo tacaashay eedanaha u oo la wareegtay Furaha Guriga ayaa Dadkii soo kaalmeeyey u mahad celisay sheegtayna inay soo gaadhay deeqdii iyo kaalmadii ay usoo fidiyeen walalaha muslimiinta ah, waxaana ay mustafe qalab iyo gudigii uga mahad celisay dedaalka ay ku bixiyeen iyo wakhtiga ay u hureen caruurtan sidoo kale mahad usoo jeedisay Wariye Cabdilmaalik Muuse Coldoon.

Gudoomiyaha Ururka Naafada Gobolka Togdheer Baashe Cabdilaahi iyo Macalin Axmed oo iyaguna madashaasi goob joog ka ahaa islamarkaana hadal kasoo jeediyey ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin dhalinyaradan heshay kaalmada iyo gacan qabadka aan loo kala hadhin sidoo kalena ku baaqay in loo dhamaystiro badhka hadhay si gurigu u noqdo mid dhamaystiran, Waxaana isla sidoo kale mahad u usoo jeediyeen Mustafe Faarax qalab oo ahaa masuulka si weyn isugu xilqaamay hirgelinta gurigan oo ay sheegeen inuu dedaal weyn ku bixiyey.

Mohamed elmi hassan(Shiine)
Burco/Somaliland
Shiine1433@hotmail.com