Xildhiban Mubarik Bidhi oo Deeq Qalab Caafimaad ah ku wareejiyey Masuliyinta Wasarada Cafimadka Gobolka iyo Cisbitaalka Burco

0
Wednesday April 02, 2014 - 17:35:14 in by Super Admin
  • Visits: 1005
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhiban Mubarik Bidhi oo Deeq Qalab Caafimaad ah ku wareejiyey Masuliyinta Wasarada Cafimadka Gobolka iyo Cisbitaalka Burco

    Xildhiban Mubarik Bidhi oo Deeq Qalab Caafimaad ah ku wareejiyey Masuliyinta Wasarada Cafimadka Gobolka iyo Cisbitaalka Burco

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhiban Mubarik Bidhi oo Deeq Qalab Caafimaad ah ku wareejiyey Masuliyinta Wasarada Cafimadka Gobolka iyo Cisbitaalka Burco

Xildhiban Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) Oo Qalab Cafimad Oo Tirro Badan ku Warejiyay Cisbitalka Wayn Ee Magalada Burco + Sawiro


 

Burco : (Afkashacabka) Xildhiban Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) Oo ka Mid ah Xildhibaanada Golaha Degaanka Ee Degmada Burco ayaa Maanta Qalab Cafimaad Oo Tiro Badan Gudoonsiyay Masuliyinta Cisbitalka Burco, Deeqdani Uu Xildhiban Mubaarig Bidhi Ugu Tallo-Galay Bukaan Jiifka Yaala Cisbitaalka Wayn ayaa Waxa Uu Xildhibanku ka Keenay Wadanka ingiriiska oo Dhowaan uu safar kaga soo laabtay.


 

Munaasibad Loo Sameyay Wareejinta Deeqdani ayaa Waxa Goob-Joog ka ahaa Badhasabku Xigenka Togdheer, Maayir ku Xigenka Degmada Burco,Isu-Duwaha Wasaradda Cafimadka Gobalkaasi, Agasimaha Cisbitaalka iyo Maamulaha Cisbitalka Guud Ee Burco.


 

Xildhiban Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) Oo Ugu Horaynba ka Hadlay Deeqdani Cafimaad Ee Uu ku Warejinayo Maamulka Cisbitalka Burco ayaa yidhi "Runtii waxaan Jecelahay in Aan Maanta Halkan ku Warejiyo Qalab Cafimaad Oo Tiro Badan Masuliyinta Cisbitaalka Burco,Qalabkan Cafimaad Waxaan ka Soo Ururiyay Wadanka ingiriiska Waxaanan Mudadii aan Wadankaasi Joogay Socdaalo Kale Duwan ku Tagay Magaaloyinka Kala Duwan Ee ingiriiska waxan ku Gulaystay in Aan Jaliyada Reer Somaliland Gaar ahaana dadka ka Soo Jeedda Gobalka Togdheer inaan ka Soo Ururiyo Deeqdaasi Cafimad, Sida Aad aragtaan Gaadhigasi Waraadka ah Waxa Saaran Qalab Cafimaad Oo Loogu Tallo-Galay Bukaan Jiifka Cisbitalka Burco, Sidoo Kale Waxa Gadhigaasi Saaran Furaash iyo Qalab Kale Duwan Oo Loogu Tallo-Galay Ciyaarka Darbi-Jiifka ah Burco,Aad Baan Ugu Mahad Celinayaa Dadkii igala Qayb-Qaatay Soo Ururinta Qalabkaasi Kale Duwan,Waxaan Qurba-Jooga Reer Somaliland Gaar ahaan Hablaha Reer Manchester Ee Qaybta Wayn ka Qaatay Soo Ururinta Deeqdani Waxaan leeyahay Deeqdii Aad Wakhtiga Soo Galiseen Waatas Aanu Maanta u Qaybinayno Cidii Loogu Tallo-Galay,Deeqda Loogu Tallo-Galay Cisbitalku intaas Oo Kaliya Kuma Koobne Way Soo Socdaan Deeq Kale Tirro Badani Waxaanan Maanta Halkan Masuliyinta wasaarada caafimaadka iyo Maamulka Cisbitalkaba ku Warejinayaa ilaa 140 Sariirood iyo Barkelado Loogu Tallo-Galay Cisbitalka Burco,Sidoo Kale Waxaan Sidaa Bugaag Tiro Badan Oo Aan Runtii Jecelahay in Aan Xarun Liprary Kaga Furno Gobalka Togdheer si ay Uga Faidaystaan Dhamaanba Ardayda ku Nool Gobalada Bariga,Sidoo Kale Waxaan Sidaa Qalab Ciyaartoy,Runtii Xildhiban ahaan Maadama Layga Doortay Gobalka Togdheer Waxaan Jeclaystay in Aan Bulshadii i Dooratay Aan Wax ku Celiyo Oo Aan ka Shaqeyo Horumarka Degmadda Burco" Ayuu Yidhi Xildhiban Mubaarig Yuusuf Cilmi Bidhi

Maayir ku Xigenka Degmada Burco Muxumed Xasan Jaamac Xoday Oo isaguna ka hadlay Munaasibadasi Uu Xildhiban Mubarig Bidhi Deeq Cafimaad ku Warejinayay Cisbitalka Burco ayaa Waxa ka Mid ahaa Hadalidisii"Runtii Waxaan Donayaa in Aan Halkan ka Xuso Xildhiban Mubarig Bidhi Oo Runtii Xiligii Nala Doortay Markii Aanu Wakhti Yar Joognay Aanu u Magacownay isku Xidhaha Qurba-Jooga iyo Bulshada Gobalka Togdheer,Waxaanu Halkan ka Shegaynaa in Qalabkii Kale Duwanaa Ee ay Qurba-Joogu usoo Dhiben Xildhiban Mubarig Uu Keenay isla Markaasna Lagu Warejiyay Cidii Loogu Tallo-Galay,Marlabaad Waxaan Jecelahay in Aan Halkan Uga Mahad Celiyo Qurba-Jooga Reer Somaliland Oo Aan Leeyahay Halkaasi ka sii Wada Tagerada Aad Bulshada Reer Togdheer la Barbar taagan Tihiin" Ayuu Yidhi Maayir ku Xigenka Degmadda BurcoMr Xoday.


 

Gudomiyaha Wasaradda Waxbarashadda Gobalka Togdheer Proff: Cabdi Axmed Siciid iyo Isu-Duwaha Wasarada Cafimadka Ee Gobalkaasi Dr: Cabdi Yasiin Xaji Saleban.

Waxaanay Xildhibanka ku Amaaneen Sida Uu Markasta Ugu Heelan Yahay Horumarka Gobolka Togdheer.


 

Badhasab ku Xigenka Gobolka Togdheer Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ubaxle) Oo Gabagabadii Halkaasi ka Hadlay ayaa Shegay inay Gobal ahaan Soo Dhawaynayaan Cid Kasta Oo Jecel Horumarka Gobalka isla Markaasna Tagero Dhinac Walba ah u Fidinaysa ay Soo Dhawaynayaan, Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii "Waxaan u Mahad Naqayaa Bulshada Reer Somaliland Ee Qurba-Jooga ah Ee ku Dhaqan Wadanka ingiriiska Aad Baan Ugu Mahad Celinayaa Tagerada ay Bulshada Reer Togdheer u Fidiyeen,Waxaanan Sidoo Kale Marnaba iloobaynin Sidii Uu Wakhti Kasta Uu Xildhiban Mubarig ila soo Hadli-Jiray Fahfahina iga siin Jiray Halkay Marayaan Howlaha Deeqdani Kale Duwan,Qurba-Jooga Reer Somaliland iyaga ayaa Qalabeyay Oo Dhisay Cisbitalkan Oo Qaawan,Waxaan Leeyahay Bulshada Reer Togdherow Cida Aad Doranaysaan Ee Aad Codkiina Sinaysaan ku Bixiya Codkiina iyo Maalkinaba Ummadda yaa wax u Qabanaya Oo Qabyalada ka Xorooba " Ayuu Yidhi Badhasab ku Xigenka Togdheer Maxamed Maxamud Yusuf (Ubaxle).




 

Si Kastaba ha ahatee Maaha Markii Ugu Horraysay Ee Xildhiban Mubaarig Yuusuf Cilmi Oo ka Mid ah Xildhibanada golaha Degaanka burco Uu Deeq Noocan Oo Kale ah Uu ku Warejiyo Masuliyinta Cafimadka Togdheer iyo Guud ahaanba Gobolka Togdheer,Waxaanu Xildhibankani Uu inta Badan ka Shaqeya Horumarka Gobalka Togdheer

 






Afkashacabka.com
Burco /Office
Contact@afkashacabka.com