Af Hayeenka Madaxtooyada Somaliland Oo Ka Waramay Xalada uu Marayo Dalku

0
Wednesday April 02, 2014 - 20:25:31 in by salman abdi
  • Visits: 748
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Af Hayeenka Madaxtooyada Somaliland Oo Ka Waramay Xalada uu Marayo Dalku

    Afhayeenku Isagoo Ka Hadlayay Arinta Diwaan Galinta Muwaadiniinta Ayaa Waxa Uu Shacabka Usoo Jeediayay In Si Wadaniyad Ku Jirto Uga Qayb Qaataan Hawshaa Laxaadka Leh Si Nabad Galyo Ku Dheehantahayna Ugu Qaataan Kaadha Aqoonsiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenku Isagoo Ka Hadlayay Arinta Diwaan Galinta Muwaadiniinta Ayaa Waxa Uu Shacabka Usoo Jeediayay In Si Wadaniyad Ku Jirto Uga Qayb Qaataan Hawshaa Laxaadka Leh Si Nabad Galyo Ku Dheehantahayna Ugu Qaataan Kaadha Aqoonsiga.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Oo Maanta U Waramayay War Baahinta Dawlda Iyo Shabakada Caalamiga Ah Ee Afkashacabka Ayaa Waxaa Uu Ka Waramay Xaalada Guud Ee Dalka Gudo Iyo Dibaba,Arinta Golaha Deegaanka Shefield Ay Codka Ugu Qaadaayaan Ictiraafka Somaliland Iyo Wax Qabadka Xuukumada Uu Madaxwynaha Ka Yahay Axme Siilaanyo.

Ugu Horayn Afhayeenku Isagoo Ka Hadlaya Safarkii Uu Madaxwynaha Somaliland Ku Soo Maray Inta Badan Gobolada Dalka Ayaa Afhaynku Waxaa Uu Sheegay In Uu Ahaa Mid Uu Madaxweynuhu Uu Ugu Kuur Galayay Xaalada Nololeed Iyo Ta Deegaan Ee Ay Ku Nool Yihiin Dadka Deegaanadaa Uu Soo Maray Ku Nool Uguna Kuu Galayay Nolasha Dadkaasi Uu Masuulka Ka Yahay,Waxana Uu Sheegay In Safarkaasi Guul Ugu Soo Dhamaaday Madaxweynaha Iyo Wefdigii Balaadhnaa Ee Uu Hogaaminayay.

Afhayeenku Isagoo Ka Hadlayay Arinta Diwaan Galinta Muwaadiniinta Ayaa Waxa Uu Shacabka Usoo Jeediayay In Si Wadaniyad Ku Jirto Uga Qayb Qaataan Hawshaa Laxaadka Leh Si Nabad Galyo Ku Dheehantahayna Ugu Qaataan Kaadha Aqoonsiga.

Af Hayeenka Mar La Waydiiyay In Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo Uu Mar Labaad U Tar Tamayo Doorashada Madaxtinimada Dalka Ayaa Waxaa Uu Kaga Jawaabay(Madaxwynuha Xaq Ayuu U Leeyahay In Mar Labaad Isa Soo Sharaxo Waana Xaq Dastuuriya Oo Uu Leeyahay Lakin Ma Aha Su’aashaasi Xili Laysa Su’aalo Waayo Wali Lama Gaadhin Xiligii Doorashada Madaxweynuhuna Wali Kursigii Ayuu Ku Fadhiyaa Muddo Xileedkiisiina Wali Ma Dhamaan,Hayeeshee Hadii Uu Mar Labaad Soo Laabto Waa Guul Usoo Hoyatay Shacbka Waana Horumar Dalka Usoo Laabtay, Wanada Aragtaan Mudadaa Uu Joogay Horumarka Balaadhan Ee Uu Dalka Gaadhsiiyay Haday Noqon Lahayd Ta Ugu Muhiimsan Oo Ah Dhismaha Wadooyinka Oo Imika Ugu Yaraan 360 Wado Ayaa Ah Wax La Dhisay Iyo Wax Dayac Tir Lagu Sameeyay.

Mar Uu Ka Hadlayay Af Hayeen Axmed Saleebaan Dhuxul Siyaasada Arimaha Dibada Ayaa Waxaa Uu Sheegay In Markii Hore Dalkani Go’doon Ku Jiray Balse Hada Siyaasada Arimaha Dibada Guul Laga Gaadhay Maadaama Oo Maanta Si Siman Ay U Doodayaan Saomaliland Iyo Sonalia Oo Markii Hore Ahyd Wax Laga Cabsado Wada Hadal Lala Yeesho Lakin Arintan Wadahadalka Ah Ayaa Ah Mid Wax Weyn Somaliland Usoo Hoysay Oo Caalamkunu Uu Si Siman Isku Soo Hor Fadhisiiyo Labada Dhinac Taasina Ay Tahay Aqoonsi Dahsoon.

Waxaa Kale Oo Uu Kahadlay Af Hayeenku Arinta Golaha Deegaanka Shefield Maanta Codka Ugu Qaadayaan Aqoonsiga Soamlaland Ayaa Waxaa Uu Yidhi(Runtii Waa Guul Usoo Hoyaytay Qaranka Iyo Shacabka Somalilandba, Wadada Yar Ayaana Ta Weyn Ku Rida Markaa Waa Arin Aad Inoogu Qaaliya Wanan Soo Dhawaynaynaa, Takale Waxan Aad Iyo Aad Ugu Mahad Naqayaa Jaaliyada Reer Somaliland Ee Magaaladaasi Ku Dhaqan Iyo Guud Ahaanba Dalka Birtain Sida Wadaniyada Leh Ee Ay Arintaasi Uga Hawl Galeen Waxanan Rajaynaynaa In Sida Ugu Dhakhsaha Badan Dawlada Ingriisku U Aqoonsato Somaliland Iyo Waliba Dalal Kale Oo Calamka Ka Tirsanba.

Waxaana Uu Afhayeenku Hadalkiisa Kusoo Gabagabeeyay In Loo Baahanyahay Shacabku Inay Isku Duubnaadaan Dhinacna Uga Soo Wada Jeestaan Nabada Iyo Qaranimada Somaliland Si Dalka Uu Horumar Dhinac Kasta Ahba Ugaadho.



Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com