XUBNO KA SOCDAY SHIRKAD WADANKA KA BILAABAYSA SAHAMINTA MACDANTA AYAA SOO GAADHAY DALKA SI WAYNA UGU SOO DHAWAYAY DALKA WASIIR KU XIGEENKA WASAARADA MACDANTA IYO TAMARTA SOMALILAND

0
Wednesday April 02, 2014 - 20:38:15 in by salman abdi
  • Visits: 805
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XUBNO KA SOCDAY SHIRKAD WADANKA KA BILAABAYSA SAHAMINTA MACDANTA AYAA SOO GAADHAY DALKA SI WAYNA UGU SOO DHAWAYAY DALKA WASIIR KU XIGEENKA WASAARADA MACDANTA IYO TAMARTA SOMALILAND

    Wasiir ku xigeenka wasaarada macdanta iyo tamarta Somaliland Cabdisalaan Maxamed Jaamac iyo masuuliyin kale oo wehelinayey ayaa shirkadan ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir ku xigeenka wasaarada macdanta iyo tamarta Somaliland Cabdisalaan Maxamed Jaamac iyo masuuliyin kale oo wehelinayey ayaa shirkadan ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

masuuliyiinta wasaarada macdanta iyo tamarta Somaliland ayaa maanta dalka ku soo dhaweeyey shirkad wadanka ka bilaabi doonta sahaminta baadhista macdanta.

Shirkad  Dalka ka Bilanaysa Sahamin Macdaneed oo Dalka soo gaadhay  Manta oo si wayn usoo dhawayay wasiirku xigeen Wasiir ku xigeenka wasaarada macdanta iyo tamarta Somaliland oo ka hadlay waftigan soo gaadhay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay inay shirkadani dhawaan bilaabi doonto sahaminta macdanta Somaliland waxaanu yidhi "Waxaanu maanta halkan ku soo dhawaynaynaa shirkada Bandoo Donson Energy Group oo uu hogaaminayo madaxweyne ku xigeenka shirkadu shirkadaas oo hore u timid dalka, maanta waxa halkan yimid lix xubnood oo ka tirsan shirkadaas waxaanay joogi doonaan mudo toban cisho ah waxaanay dalka u yimaadeen inay furtaan xafiisyadii ay shaqada ku qaban lahaayeen, waxa bishan gudaheeda iman doona xubno kale oo ka tirsan shirkadan”

 

Wasiir ku xigeenka wasaarada macdanta iyo tamarta oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Wasaarad ahaana farxad ayey maanta noo tahay inaanu soo dhawayno shirkadan , anaga oo ku rajo weyn inay shirkadani wax weyn ka qaban doonto tamarta iyo macdanta waxaanan leenahay soo dhawaada.” Ayuu yidhi wasiir ku xigeenka wasaarada macdanta iyo tamartu.

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka shirkadan oo hogaaminaya xubnahaas maanta soo gaadhay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu dhiniciisa sheegay inuu soo dhawaynayo imaanshiyaha Somaliland waxaanu tilmaanay inay dhawaan bilaabi doonaan hawsha sahaminta macdan baadhista.


Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com